Axmed gurey waa mid ka mid ah iskuulada ugu faca weyn uguna caansan dugsiyada ka jira guud ahaan somalia gaar ahaana magaalada muqdisho
waxa uuna ka koobanyahay 3marxalo oo kala ah hoose/dhexe iyo sare sido kale waxaa u cilmi doonta arday gaaraysa 3000 oo arday kuwaa oo isugu jira gabdho iyo wiilal tiiyo ay jirto inay madarasada axmed gurey diyaar kuugu yihiin macalimiin tayo leh isla markaana laga fikiray heerkooda aqooned
mahadi haka gaardhee Al-ustaad c/majiid xasan nuux oo lagu tiriyo aabaha,aas aasha naadiga NAKADSA ayaa gartay muhiimada ay laydahay in arday dugsiga axmed gurey ka qalin jebisa loo sameeyo dalad ay ku midaysan yihiin waxa uuna dhidibada u taagay dalad ay ku bohoobeen yar iyo weyn intaba dhamaan ardayda ka qalin jebisay dugsiga sare ee axmed gurey kaa oo loogu magac daray (NAADIGA ARDAYDA KA QALIN JEBISAY DUGSIGA SARE AXMED GUREY ) loona soo gaabiyo NAKADSA sanadkii 24/4/2003
waxaana gudoomiyihii ugu horeyey naqday mr.Ciise Guure waxaana uga dambaysay madax fara badan kursiga gudoomiyanimada naadiga NAKADSA
kol dhoweed waxaa la qabtay doorasho lagu doortay madaxda labada gole ee naadiga leeyahay kuwaa oo kala ah
1-Golaha shuurada ama golaha dhexe
2-Golaha sare ama golaha fulinta
ustad cali ciise oo ahaa gudoomiyihii hore ee naadiga NAKADSA ayaa xilka ka degay waxaana si sharci ah kula wareegay gudoomiyaha cusub oo loo doortay Ms.sowdo mire cusman, sido kale waxaa xilka golaha fulinta horay u hayey mr.maxamed sh/khaliif axmed waxaana cod aqlabiyada hada xilka kula wareegay mr.cabdi raxmaan sh/xuseen (ashcari) xafladi xil wareejnta ayaa si qurux badan uga dhacday SOMTA HALL
DAAWO SAWIRO: