Madaxa golaha dhexe sowdo mire cusman gudoomiye ku xigeenka gudoomiyaha golaha fulinta ee naadiga nakadsa zamzam daahir madaxa iclaamka iyo warfaafinta ustaad cabdi qaasim iyo xubna kale ayaa dhowaan ka qeyb galay xaflada si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay iskuulka iyo macalimiintaba ku sagootinayeen dufcadii 17aad ee ka qalin jebisay iskuulka hoose/dhexe iyo sare ee imaam axmed gurey
xaflada ayaa waxaa lagu casuumay marti sharaf kala duwan oo ay ugu horeeyaan maamulka, macalimiinta iyo arday ka socotay iskuula kale bahda saxaafada iyo marti kale haba ugu horeeyane mudanayaasha ka socday naadiga nakadsa oo halkaa ka sheegay hadalo bogaadin u ah ardaydii dufcadii 17aad isla markaana waxa ay ugu bishaareeyeen inuu naadigu gacma furan kusoo dhoweynayo
DAAWO SAWIRO: