WARBIXINTA NAADIGA NAKADSA
NAKADSA(Naadiga Ardayda Kaqalijabisay Dugsiga Sare Axmed Guray) waxa uu ku bilaabmay fikrad ku dhalatay markii la’arkay baahida loo qabo in lahelo wax isku xidha ardayda ka qalinjabisay dugsiga oo sii badanaysa marba marka kadambaysa waxaana lagama maarman loo arkay in lahelo gole aruuriya mideeyana xooga iyo maskaxda faraha badan ee uu dugsigu soo saaro loogana faa’iideeyo bulshada soomaaliyeed,oo baahi u qabto xoogmidaysan oo wax uqabta.
Sidoo kale waxaa lagama maarmaan loo arkay in la tuso bulshada soomaaliyeed in ay jirto siyaabo aan qabiil ahayn oo la isugu xidhi karo bulshada midayna kara. Sidaa darted ayuu maamulku dugsigu soo bandhigay fikirka aas aasida nadiga, waxaana loo saaray gudi arday ah kaasoo kazoo talobixiya arimaha naadiga.
Falanqayn kadib waxay soo gudbiyeen aragtidooda oo ku talinaysa in la’aasaaso golaha ardayda kaqalinjabisay Dugsiga Sare ee Axmaed Guray, golahas oo kulmiya inuu naadiga dhismihiisa noqdo sedan:
1. Gole guug.
2. Gole dhexe.
3. gole fulineed
waxaa kaluu soo qoray gudiga xeer hoosaad kii naadiga.intaas kadib ayuu maamulku dugsiga ubandhigay lana tashaday maamulka Hay’da Muslimiinta Afrika, iyaguna dhinacooda way soo dhaweeyeen fikirkan wayna dhiiri galiyeen, markaas kadib ayaa lagu dhawaaqay dhalashadii naadiga lana doorty maamulkii ugu horeeyey ee uu yeeshay naadigu.
Gudoomiye ciise Maxamed Guure ayaa 21\4\2003 waxa uu noqday gudoomiyaha ugu horeeyey ee uu naadiga nakadsa yeesho, gudoomiye ciise iyo goloyaashiisa maamul waxa ay gudayeesho, gudoomiye ciise iyo goloyaashiisa maamul waxa ay gudo galeen in ay waajibkoodii gutaan, waaynai muujiyeen waxqabad lataabankaro oo ay bulshadu ka markhaat kacday.
Waxaa xilka uga dambeeyey oo si doorasho aad loogu tartamay kusoo baxay gudoomiye maxamed Xaashi Balal, gudoomiye Balal iyo maamulkiisii uu soo dhisay wacdaro ayey muujiyeen waxayna sii dhamaystireen hawlihii qabyada ka ahaa maamulkii gudoomiye Ciise,
Intaas ka dib waxaa isna xilka gudoomiye Cabdinaafic Xirsi Cali, maamulkii gudoomiye Cabdinaafac waxbadan oo lataaban karo maqaban, iada oo ay sabab u ahayd dhibaatadii dalka ka dhacday taasoo ragaadisay qorshihii waxqabad ee maamulkaas. Dhibaatadaas oo sababtay in gudoomiye Cabdinaafac iyo inbadan oo naadiga katirsan wadanka ka baxaan, halkaana waxaa ku istaagey waxqabadkii uu naadiga nakadsa BULSHADA u hayey.
Waxyaabihii uu naadigu soo qabtay waxaa kamid ah:
1) Barnaamij loogu magacdaray ladagaalanka jahliga kaasoo dadka aan wax qorin waxna aqrin loogu talagalay, dadkii sida gaarka ah uga faa’iidaystayna waxa kamid ahaa:
a. Dadka waawayn ee aan horay u helin jaanis ay waxku bartaan.
b. Maleeshiyaadkii maxkamadaha oo uu naadigu u furay xarumo badan oo ay kamid ahaayeen:
Shirkoole, Siisii, Baar’ayaan, Balaaksi iyo xarumo
Kaloo badan kuwaasoo dadkii ka faa’iidaystay
hadiyado iyo abaalmarin lagudoonsiiyay.
2) Siminaaro aqoon kororsi oo ay ka midahaayeen:
a. Maamul wanaaga.
b. Saxaafada
c. Iyo kuwo nabada ku saabsanaa.
3) Aroos wadareedyo loo qabtay arday naadiga ka tirsan oo is guursaday qarash koodana uu naadigu bixiyay.
4) Barnaamij xirfad shaqo baris ah ayuu naadigu usameeyay dadbadan oo aan shaqo haysan.
5) Kulamo ahaa isbarasho ardayeed iyo kalaqaadashada afkaaraha wax galka ah.
6) Minxo waxbarasho jaamacadeed oo uu siiyay arday ka tirsan naadiga oo aan awoodin in ay iska dhiibaan qarashaadka waxbarashada.
7) Samaynta albuno ay ku jiraan sawirada iyo warbixinada ardayda kaqalin jabisay iskuulka Axned guray.
8) Taakulaynta dadka tabaalaysan oo ay ka midyihiin:
a) Xooda naafada soomaaliyeed.
b) Dhiig shubid loo sameeyay dhaawacyo isbitaalada yaalay.
c) Kaqaybqaadashada gurmadkii loo samaynayay fatahaadihii ka dhacay dalkeena.
9) Soo saarida wargayska xodsan kaa soo ka turjumay gudbiyayna waxqabadkii naadig.
10) Wacyigelin uu u samaynjiray bulshada isagoo adeegsanaya saxaafada qaybaheeda kaladuwan.
Wax qabadka NAKADSA warbixin sidan u kooban kuma soo kobi karno, waa uun tusaale kamid ah shaqadii badnayd ee uu umada u hayay.
↔ LABAKACLAYNTA IYO DARDARGELINTA NAKADSA:
Kadib markii mudo uu naadigu maamul ahaan iyo waxqabad ahaanba hakad ku jiray waxa aad isku xilqaamay intii uu waxqabadka naadiga nakadsa dhangalaxooda kasii dhadhamayay, waxa siwayn uga dhexmuuqday abaabulayaasha cusub Yaasiin Nuur Ciise oo runtii muujiyay dadaal mudan in laga mahadceliyo.
Naadiga nakadsa boorka ayaa markale laga jafay taariikhdu markay ahayd 9/7/2010ka, waxana loogu doortay Mahdi sheikh C/laahi Cumar in uu hogaanka u qabto NAKADSA kulan kadhacay xarunta uu hada iskuulka axmed guray deganyahay ee wadajir kadib doorasho halkaa kadhacday
WAXYAABAHA UU QABTAY MAAMULKA CUSUB:
Intii lagu guda jiray mudadii uu naadigu hakadka ku jiray, waxa guud ahaan kalalumay dukumengii uu naadi lahaa, haday ahaan lahayd vedio, logo, profile, waxa sidoo kale kalalumay golayaashii uu naadigu kakoobnaa, sida golahii fulinta lolihii dhexe iyo kii guudba waxana lawaayay labo meel isku shegta, taasina waxa aysababtay in uu lumo xiriirkii kadhexeeyay qaybihii maamul ee uu naadigu kakoobnaa, Maamulka cusub ee naadiga ee uu gudoomiye mahdi madaxda u yahay waxa ay kabilaabeen meel eber ku dhaw, waxyaabaha maamulkan cusub u qabsoomaya waxaa kamid ah:
1. Waxa ay gudagaleen raadinta iyo baadi goobka wax uun kamid ah dukumentiyadii naadigu lahaa, iyo helitaanka macluumaad ku saabsan xunbnihii naadigu kakoobnaa, halka ay kala joogaan, heerarkooda waxbarasho, iyo goobaha shaqo ee ay kamala suganyihiin.
2. Samaynta WEBSITE uu naadu leeyahay, kaasoo Illaahay mahadiis laguguulaystay, hawadana kujira, kaasoo aanku rajawaynahay in kaqayb qaato soo aruurinta iyo iskixirka xubnaha naadiga ee dunida dafyaheeda kukala firarsan.
3. Samaynta xafiis uu yeesho naadigu, waxa suurta gashay Illaahay mahadiis samaynta fafiis uuku yeesho naadiga NAKADSA meelka baxsan deegaanka iskuulka axmed guray, kaas oo ay yaalaan qabka xafiiska ee aasaasiga ah, waxan rajaynaynaa in xafiiskan cusub uu sabab u noqondoono soo noqoshada haqlihii iyo waxqabad kii naadiga lagu yaqaanay.
4. Abuurida maktabad ay bulshadu kafaaiidaysato, maktabad ay yaalaan in badan oo kamid ah culuumta diiniga ah sida:
a. Tafaasiirta oo dhawr iyo labaatan nooc ah.
b. Axaadiista rasuulka (NNK) oo ay ka mid yihiin; Bukhaari, Muslim, Nisa’i, Tirmidi, Abii daa’uud, Albaani, Almusnad-axmed binu xambal-, A-Drimii, A-Daaraqudnii iyo qaarkaloo badan.
c. Fiqhiga oo dhawr iyo toban nooc.
d. Caqiido oo ayana qaybo badan kakooban.
e. Luuqada carabiga, sida lisaanul caran iyo kuwa kale.
f. Taariikhda saxaabada.
5. Dib u qorida macluumaad kii ardayda ee horay loogu
qoray labunada si loo geliyo webside ka.
6. Samaynta logo cusob, kadib markay luntay orognalkii
logadii hore, waxan ku dadaalay samaynta mid cusub
anagoo tixtaacayna tii hore wax yar oo isbedel ah na waa
lagu sameeyay, taasoo astaan u noqon doonta NAKADSA.
7. Samaynta boorar muujinaya waxqabadka naadiga.
8. Samaynta mashaariic cusub oo uu rabo naadigu in uu qabto.
9. Soocelinta calaaqaad kii uu naadigu la lahaa bulshada rayid ka iyo mu’asasaadka tacliimiga ah, sidoo kale samaynta calaaqaad cusub iyo asxaab ku waas oo aan u kaalmaysan doono waxqabadkeena cusub ee noo qorshaysan.