DOORASHADII GOLAHA DHEXE EE NAADIGA NAKADSA+DAAWO SAWIRO

6/2/2015 waxay aheyt maalin ku weyn bahweynta ku abtirsata dugsiga sare ee axmed gurey iyo naadi ardayeed loo agaagumay isku xirka iyo weliba iska warqabka wax soo saarka dugsiga axmed gurey oo looga jeedo ardayda ka soo burqanaysa sanadba sanadka xiga

horey waxaa loo soo doortay mudanayaal metela ardayda dhan 5000 oo arday kuwaa oo ku midaysan naadiga NAKADSA ayagoo soo hagayey naadiga mudo sanado ah isuguna jiray gole dhexe iyo gole sare ama fulin iyo  shuuro intaba

ustaad Cali Ciise Cumar wuxuu horey u hayey madaxa golaha dhexe ee naadiga NAKADSA sido kale waxa si la mida hayey xafiiska gudoomiyaha golaha sare ama fulinta mudane maxamed sh/khaliif axmed

shir ay isugu yimideen boqolaal ka mid ah golaha guud ee naadiga NAKADSA ayaa lugu doortay mudanayaal cusub oo xilka naadiga sii daadahayn doona mudada soo aadan hadii naftu baaqi naqato waxaana si cadaaladi ku dheehantahay loo doortay xubnaha golaha dhexe oo tira ahaan ka kooban 49 xubnood sida ku qoran laa’ixada ama xeer hoosaadka naadiga NAKADSA islamarkaana waxay isla goobtii ku doorteen gudoomiyaha cusub ee golaha dhexe naadiga marwo sowdo mire cusmaan oo cod hal dheeri ah uga  guuleysatay mudane cabdulahi ibraahim xasan

xaflada oo si heer sare loo soo agaasimay ayaaa waxaa ka soo qeyb galay marti sharaf kala duwan sida golaha guud ee naadiga nakdsa ardayda hada dhigata dugsiga axmed gurey badankood macalimiinta iskuulka axmed gurey kor joogayaal macalimiin horay wax uga dhigi jirtay iskuulka axmed gurey madaxa ka socotay jaamacadaha magaalada muqdisho maxdax ka socotay hay’ada AMA (african muslims agency) bahda saxaafada iyo marti kale xaflada ayaa si farxad leh ku soo xirantay alamdulilah.

DAAWO SAWIRO

3                                   yaska y wewe suudka store sacd sacdiya sax she soodka s qadar.JPG33 n moge malin jytjty kediye khadra l m gurey gg g ff fa cod1 count d dhalo f at bintu bubka cabdikariim Capture ac ae
an asa 3 cabdalaaa cabdala c buub b bo bintu ashcari asa as 3 a aa ab ac ae ad an bubka bube