Naadiga NAKADSA oo labadii sanaba mar la doorto hugaanka goleyaashiisa, ayaa hugaankiisa cusubi shalay oo ay taariikhdu ku beegneyd: 27/11/2019-ka, booqasho rasmi ah ku tegay hooyada NAKADSA ee dugsiga axmed gurey.
Xubnaha iskuulka booqday ayaa isugu jiray labada gole ee naadiga ( golaha fulinta & golaha dhexe), oo ay wadajir u hugaaminayeen; Gudoomiyaha golaha fulinta ahna gudoomiyaha guud ee naadiga- Md. Shaafic Calixaashi iyo gudoomiyaha golaha dhexe ee naadiga- Mrw. Khadra Cabdullaahi ( toogane), oo ay wehlinayeen xubno labada gole ka kala tirsan.
Ujeedada socdaalka wefdiga NAKADSA ayaa daaraneyd; booqashada iyo indho-indheynta iskuulka, is-barashada ardayda iskuulka & maamulka cusub ee naadiga iyo ugu dambeyn fulinta nashaad dhir-beeris ah, oo horudhac ah, kaa oo ilaa 50 geed ( geed mireedyo & geedo qurxin) ah isugu jira, oo si bilaash ah naadiga NAKADSA ugu deeqay iskuulka axmed gurey, iyaga oo ka qeyb qaadan doono bilic-soo-celinta saaxada iskuulka iyo si guud wax ka bedelka cimilada dalka oo ay ka qeyb qaadan doonaan, bacdamaa cimilada xumaaday iyo soo noq-noqshada abaaraha ay sababta koobaad leeyihiin geedo yarida ka jirta dalka. Intaa waxaa dheeraa astaanta qaranka soomaaliyeed ( calanka Soomaaliyeed) oo iyana nashaadka qeyb ka aheyd lagana taagay mimbarka ( barxadda iskuulka).
Sidoo kale, maamulka cusub ee naadiga NAKADSA ayaa qiimeyn guud ku soo sameeyay baahiyada aas-aasiga ah ee iskuulka axmed gurey iyo xarunta xanaanada agoonta ee Al-huddaa, isaga oo la tashiyo iyo kulamo la yeeshay maamulka iskuulka axmed gurey, kuna booqday fasallada ardayda iskuulka, isaga oo warbixin guud ka siiyay naadiga, isla-markaana ka dhegeystay ardayda talooyin, una balan qaaday in la sii wadi doono nashaadaadkii naadigu iskuulka ka qaban jiray sanad walba, lana soo kordhin doono nashaadaad hor-leh haddii alle idmo.








