GUDOOMIYE SHAAFICI CALI AXMED OO SOO DHISAY LOONA ANSIXIYAY GOLIHIISA FULINTA EE LA SHAQEYN DOONA: 2019–2021

Iyada oo laga amba-qaadayo in hogaanka naadiga NAKADSA xilliyadii dambe uu ku soo jiray marxalad kala-guur ah, loona doortay dhowaan hogaan cusub ayaa waxaa shalay inoo qabsoomay kulan ka mid ah kulamadii caadiga ahaa ee naadiga.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan goleyaasha naadigu ka kooban yahay, sida; Golaha guud, Golaha Sare, Golaha Fulinta ee cusub iyo Golaha dhexe. sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay marti sharaf ay ka mid yihiin; Ustaad Cabdimajid Xasan Nuux, maamulihii hore ee dugsiga Axmed Gurey ahaana Aas-aasihii Naadiga NAKADSA iyo Ustaad Maxamed Mooge Abshir, Maamulaha hadda ee dugsiga Axmed Gurey.

Kulanka waxaa la isugu yimid labo Ajande oo kala ahaa;
1- Ansixinta gudoomiye Kuxigeenka iyo Xogheynta golaha dhexe ee naadiga NAKADSA.
2- Ansixinta golaha fulinta cusub ee naadiga NAKADSA.

Soojeedintii gudoomiyaha guud/ fulinta ee naadiga MD:. SHAAFICI CALIXAASHI AXMED ka dib, Alle mahaddii waxaa xubnaha golaha dhexe ee sharafta badan cod u qaadeen ogolaashada Golaha fulinta cusub, ee labada sano ee soo aaddan ( 2019—2021) naadiga u shaqeyn doono, waxayna ku ansixiyeen cod aqlabiyad leh.

Waxaan mahad u celineynaa xubnaha Golaha dhexe ee kalsoonidooda siiyay golaha fulinta cusub ee Naadiga iyo ka soo qeyb galayaashii kaleba .