Press Release – Naadiga Ardayda ka Qalin jabisay Dugsiga Sare ee Axmed Gurey – NAKADSA https://www.nakadsa.so Thu, 12 Apr 2018 15:21:25 +0000 en-US hourly 1 https://wordpress.org/?v=5.3.21 NAKADSA iyo Maamulka Iskuulka Axmed Gurey oo tartan hidaha iyo dhaqanka ah u qabtay ardayda Iskuulka https://www.nakadsa.so/nakadsa-iyo-maamulka-iskuulka-axmed-gurey-oo-tartan-hidaha-iyo-dhaqanka-ah-u-qabtay-ardayda-iskuulka/ Thu, 12 Apr 2018 15:21:25 +0000 http://www.nakadsa.org/?p=368 Maamulka Iskuulka Axmed Gurey ee Magaalada Muqdisho iyo Naadiga NAKADSA oo is kaashanaya ayaa tartan Hidaha iyo dhaqanka ah u qabtay ardayda dhigata dugsiga sare ee Axmed Gurey iyo fasalo ka mid ah dugsiga dhexe, waxayna arday ku tartamayeen soo bandhigida dhaqanka Soomaalida, sugaanta, qaar ka mid ah xoolaha Soomaalidu dhaqato, agabka ay hidaha u leeyihiin dadka Soomaaliyeed, cuntooyika iyo dalaga noocyadiisa kala duwan ee ka baxa dhulka hooyo.

Tartanka oo ay garsoorayaal ka ahaayeen macallimiinta Iskuulka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa maamulka sare ee Iskuulka iyo qaar ka mid ah madaxda Naadiga NAKADSA.

Ayadoo fasaladii tartamayay uu mid weliba wax gaar ah ku tartamayay ayaa waxaa ugu horeeyay fasalka Form4 oo masrixii tartanka kusoo bandhigay hibada ay Soomaalida u leedahay dhaqashada xoolaha gaar ahaan ariga iyo fardaha, ayagoona sido kale soo bandhigay Soomaalidii hore sida mas’uuliyadda leh ee ay u xalin jireen khilaafaadka dhexdooda ah marka ay is qabtaan ama uu muran soo kala dhexgalo.

Waxaa ku xigay fasalka Form3 oo ayaguna masraxa ku soo bandhigay sugaan iyo agabka ay hidaha u leeyihiin dadka Soomaaliyeed, ayagoona sharaxaad ka bixiyay waxa uu kaga duwan yahay kuwa dalka dibadiisa laga keeno.

Fasalka Form2 ayaa ayaguna tartanka uga qeyb galay soo bandhigida sugaan ka hadleysay faa’iidada ay bulshadeena u leedahay beerayashada, waxay kusoo galeen masraxa noocyada qudaarta ee dalkeena ka baxda.

Tartamayaashii ka qeyb galayay tartanka oo ay ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin hidahooda iyo waxa ay ab iyo asal u leeyihiin in ay ku tartamaan ayaa fasalka Form1 ardaydii ka socotay waxay ayaguna masraxa la yimaadeen hibada ay Soomaalida u leedahay dhaqashada Geela.

Dhinaca kalena fasalka sideedaad ee dugsiga dhexe ayaa ayaguna lasoo shir tagay badar tumow iyo sida ay hableena ugu heesaan hees howleedyada marka ay tumayaan galeyda.

Fasalka 7-aad ee dugsiga dhexe ayaa dhankooda kaga qeyb galay tartanka soo bandhigida cunto karsan oo laga sameeyay dalaga dalka ka baxa, qudaarta, iyo hilibka, waxyaabaha ay soo bandhigeenna waxaa ka mid ahaa, cambuulada, canjeerada, muufada, hilibka, bunka saliida lagu dubo, taangada ama saloolka iyo kuwa kale oo badan dhamaantoodna ah cunto laga sameeyay dalaga iyo qudaarta inoo baxda, waxaana bandhigooda qeyb ka ahaa cuntadaa karsan burjikadii iyo dharigii lagu kariyay oo dhoobo ka sameysan, Soomaalidana hido u ah ilaahayna hibo u siiyay.

Tartankan ayaa qeyb ka ahaa tartamo kala duwan oo maalmihii lasoo dhafay ka socda Iskuulka una dhaxeeyay dhamaan ardayda dhigata Iskuulka oo sanadkiiba mar sidan loo qabto.

Waxaa horey tartan dhinaca Sportska oo loo qabtay arday kusoo guuleystay fasalka Form1 ee dugsiga sare, ayadoona tartanka Kedis ee aqoonta guud ay final wada joogaan fasalada 7-aad oo dugisga dhexe ah iyo Form3 oo dugsiga sare ah.

Waxaana xusid mudan in 25- bishan April 2018-ka xaflad balaaran oo Iskuulka ka dhici doonta haduu alle idmo lagu abaalmarin doono dhamaan fasalada ku guuleystay Tartamadii la qabtay.

 

 

]]>
NAADIGA NAKADSA OO KA QEYB GALAY XUSKA MAALINTA DHALINYARADA EE 15 MAY 2015 DOWLADANA TALOOYIN UJEEDIYEY https://www.nakadsa.so/naadiga-nakadsa-oo-ka-qeyb-galay-xuska-maalinta-dhalinyarada-ee-15-may-2015-dowladana-talooyin-ujeediyey/ Fri, 29 Jan 2016 05:07:51 +0000 http://www.nakadsa.org/?p=298 Umadd waliba maalin leh waxaa caada ah in la xuso maalinta dhalinyarada soomaaliyeed oo ku astaysan maalintii la aas aasay ururukii gobanimo doonka soomaaliyeed ee  SOMALI YOUTH LEAGUE oo loosoo gaabiyo  ( S.Y.L ) lana aas aasay ama si rasmi ah jiritaankiisa loogu dhawaaqay 15kii bishii may sanaddii 1943kii

Sanadkaan 2015 waxa la qabtay xaflad heer sare ahayt taa oo lagu weyneynayey maalinkaas qiimaha iyo qaayahaba u leh guud ahaan ummadda soomaaliyed gaar ahaana dhalinyarada soomaaliyed meel kasta oo ay ku suganyihiin islamarkaana taaba gelinteeda ay lahayt wazaarada dhalinyarada iyo isboortiga dowlada federaalka soomaaliya

 

Waxaa lagu casuumay ama kaso qeyb galay xubnaha ugu sareeya dowlada soomaaliya sida madaxweynaha soomaliya xasan sheikh maxamud ,gudoomiyaha barlamaanka soomaliyed  maxamed sheikh cusman “jawaari “,ra’iizul wazaara ku xigeenka maxaamed cumar carte “qaalib” iyo weliba gudoomiyaha gobalka banaadir maxamed xasan xusen “mungaab

 

Sido kale wax aka mid ahaa kazoo qeyb galayaashii munaasabada qeyba ka mid ah ururada bulshada sida ururka haweenka qaranka soomaaliyeed. Ururka dhalinyarada qaranka iyo NAADIGA NAKADSA

 

 

Gunaanadkii ayaa xubin ka socotay naadiga NAKADSA ahna gudomiye ku xigeenka naadiga marwo ZAM ZAM DAAHIR lagu soo dhoweyey micrafoonka isla markaana qudbad wax toosin ah halkaa ka jeedisay

Marwo zam zam ayaa waxa ay ka dhawaajisay in dhalinyaro badani ku xiranyihiin xabsiyada ay maamusho dowlada soomaaliyed ayna u baahanyihin daryeel iyo xanaanayn si lamida waxay u baahanyihin in la hagaajiyo dhaqankooda iyo In loo sameeyo hanaan waxbarsho intay xabsiyada ku jiraan si fursadooda uga faa’iideystaan uguna soo laabtaan bulshada dhexdooda ayagoo wax bartay  waqtina uusan ka lumen waxay intaa raacisay in wazaaradu dhexda u xirato inay gaarsiido waxbarsho dhalinyarada gobalada ku sugan kuwa haysatana ku dadaasho tayentooda si ay nabad galaan in si aan munaasab ku ahayn looga faa’iideysto

 

Marwo zam zam ayaa waxay si gaar ula hadshay talana u jeedisay wazaarada  amniga qaranka taa oo ah inay keenaan / la yimaadaan qorshe ka haboon kan ay hada dhowrida amaanka ku wajahaan oo dhalinyarada aad u qal qal geliya sida in habeenkii saq dhexe guryaha loogu galo lanasoo kexeeyo waxaana wanaagsan bay tiri in la sameeyo hab-raac kaa ka fudud ka wacan oo an waxyeeli kareyn maskaxda dhalinyarada islamarkaana aysan ku abuurin dowlad naceyb badalkeedana ay ku abuuraan dowlad jaceyl kana kasbadaan waaaradu dhalinta inay iskood isu xil qaamaan kana shaqeeyaan amniga/amaanka degaankooda ama guud ahaan dalka

Ugu dambeyn wazaarada dhalinyarada iyo isboortiga waxaa madax ka ah masuul dhalinyaro ah si taa la mida 17da degmo ee gobalka banaadir waxaa hormuud ka ah dhalinyaro fir fircooni ka muuqanayso waxa ayna kuu muujinaysaa heerka baraaruga dhalinyarada soomaaliyeed

]]>
URURKA NAKADSA OO BAAQ U DIRAY DOWLADDA SOMALIA IYO HAY’ADAHA KALE EE SOMALIA KU SUGAN https://www.nakadsa.so/ururka-nakadsa-oo-baaq-u-diray-dowladda-somalia-iyo-hayadaha-kale-ee-somalia-ku-sugan/ Wed, 27 May 2015 22:12:56 +0000 http://www.nakadsa.org/?p=146 Iyadoo aan ku Guda-jirno Toddobaadka Dabaal-degga 72-Sano-guuradii kasoo Wareergtay Aasaaskii Ururkii Gobonnimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL – 15-kii May 1943-dii iyo Kaalinta dhallinyaradii kale ay naftooda uGu hureen sidii loo hanan lahaa madax-banaannida Soomaaliya, ayuu ururuka NAKADSA oo ay ku mideysan yihiin 5,000 oo dhallinyaro ah wuxuu la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed farxadda iyo hambalyada, isagoo sidoo kale la wadaagaya dhibaatooyinka iyo xaaladaha qallafsan ee ay ku nool yihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Dhallinyarda Somaliyeed waxay 24-kii sano ee aynu soo dhafnay la kulmeen xad-gudubyo baahsan oo loo adeegsaday dagaallada sokeeye iyo fulinta  dano gaar ah oo gurraan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu soo saartay ururka.

Sidoo kale, waxaa qoraalka lagu sheegay in munasabadda xuska SYL awgeed ay dowladda Soomaaliya, hay’adaha caalamiga ah, hay’adaha wadaniga ah, ganacsatada iyo Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaan Qodobbada soo socda:

  1. In loo istaago sidii loo beddeli lahaa wajiga xun ee lala xiriiriyay dhallinyarada, kuwooda wali dhibka ku lugta lehna laga caawiyo sidii ay bulshada dib ugu biiri lahaayeen, iyagoo ka qayb-qaadanaya horumarka. Dhallinyradu waa laf-dhabarka dalka iyo mustqabalka Qaran-nimada, sida daraddeed waa in lagu taageeraa sidii ay kaalintooda u qaadan lahaayeen.
  2. In dhallinyarda lagu dhiirri-geliyo waxbarashada, lana furo xarumo wax barasho ama farsamo si ay nolashooda u kasbadaan.
  3. In dhallinyarada Soomaaliyeed loo Furo min Tuulo illaa Gobol Xarumo Xirfadaha ay ku bartaan si ay shaqooyin u abuurtaan, ugana qaybqataan badbaadada iyo amniga dalka, isla markaana u kobciyaan dhaqaalaha dalka, loona yareeyo tahriibka.
  4. In dowladda Somalia ay dadajiso siyaasadda lagu hagayo dhallinyarada Soomaaliyeed si ay ummadaha caalamka ula jaan-qaadaan.
  5. In dhallinyarada wax ku baratay Gudaha Dalka la siiyo tixgelin gaar ah – Xagga shaqada hay’addaha dowladda iyo kuwo aan dowliga ahayn.
  6. In dhallinyarada ku jira Xabsiyda loo sameeyo fursado Waxbarasho si ay uga soo baxaan kaalintooda, si ay dalka ugu hoggaamiyaan isbedel wanaagsan.
  7. In dowladda ay xakamayso dhibaatada muqaadaraadka lana taageero dadaallada wacyi-galinta ah ee looga so horjeedo Qaadka IWM, kaasoo qayb ka ah dhibaatada ugu weyn ee maanta haysta dhallinyarda Soomaaliyeed, isla markaasna uu Qaadku yahay mid dhiirri-gelinaya ammaan-darrada dalka ka jirta.

Ugu dambeyn, Ururka NAKADSA ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay inay dib u soo nooleeyaan dadaalladii SYL, ayna ka shaqeeyaan Midnimada iyo Wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

nakadsateam@gmail.com
Muqdisho, Soomaaliya

]]>