Youth – Naadiga Ardayda ka Qalin jabisay Dugsiga Sare ee Axmed Gurey – NAKADSA https://www.nakadsa.so Mon, 06 Apr 2020 13:29:29 +0000 en-US hourly 1 https://wordpress.org/?v=5.3.20 OL-OLAHA WACYIGELINTA CUDURKA KAROONA FEYRAS (Corona Virus Awareness) – Muuqaalkii Koobaad: https://www.nakadsa.so/ol-olaha-wacyigelinta-cudurka-karoona-feyras-corona-virus-awareness/ Mon, 06 Apr 2020 12:46:28 +0000 https://www.nakadsa.so/?p=410 Kadib soo-if-bixii cudurka faafa ee loo yaqaanno; karoona feyras, guud ahaan adduunka, gaar ahaanna soomaaliya, oo ilaa hadda hal keys (one case) laga helay, ayaa Naadiga Aqoon yahanka Ka soo qalin jebiyay Dugsiga Sare ee Axmed Gurey, oo loo soo gaabiyo ( NAKADSA), oo mabaadii’dii loo aas-aasay ay kow ka aheyd garab-is-taagga iyo ka caawinta bulshada dhanka; Wacyigelinta, Waxbarashada, Quudinta iyo fayo-dhawrka, ayaa u istaagay Ol-ole is-xilqaan ah, oo bulshada soomaaliyeed looga wacyigelinayo ka hortagga iyo xakameynta cudurka karoona feyras, ee dhowaan-galka nagu ah.

Bacdamaa ay adkaatay in dadka goobo la isugu keeno ee laga wacyigeliyo, waxaan qaadannay ama door-bidnay waddo aan ka dhicin oo ah; inaan baraha bulshadu ku wada xiriirto, sida; Facebook-ga, u marinno gaar ahaan degalka aan ku leenahay ka naadi ahaan. Innaga oo bulshada uga faa’iideyneyna talooyinka; aqoonta iyo khibradda wata ee dhaqaatiirta naadiga xubnaha ka ahi bixinayaan. Taa oo suurtagelin karta, in wacyigelintu guri walba gaari karto maadaama guri walba oo bulsho ku nooshahay laga heli karo taleefoonka gacanta ee caaqilka ah (smartphone).

Muuqaallada aan wacyigelinta ugu talo-galnay waxaan u qorsheynay inaan hab qeybo-qeybo ah u gudbinno intii aan kari karno.

Sidaa darteed, xalqadda ama qeybta koobaad, waxaan ku billaabeynaa muuqaalka (Clip-ka); Dr. Mahad Maxamed Xasan, oo noo sharrixi doona weydiimaha hoos ku xusan:

1. Sidee looga hortagaa cudurka karoona feyras?

2. Ma laga bogsadaa haddii uu qofka haleelo mise waa cudurrada aan laga bogsoon ee loo dhinto? iyo,

3. Taladiisa la xiriirta cudurka ee uu shacabka soomaaliyeed u jeedinayo?

Mahadsanidiin.

#WACYIGELIN_BULSHO_CONVID19.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WACYIGELINTA.

OL-OLAHA WACYIGELINTA CUDURKA KAROONA FEYRAS (Corona Virus Awareness)

OL-OLAHA KA WACYIGELINTA BULSHADA CUDURKA KAROONA FEYRAS (Corona Virus Awareness)Kadib soo-if-bixii cudurka faafa ee loo yaqaanno; karoona feyras, guud ahaan adduunka, gaar ahaanna soomaaliya, oo ilaa hadda hal keys (one case) laga helay, ayaa Naadiga Aqoon yahanka Ka soo qalin jebiyay Dugsiga Sare ee Axmed Gurey, oo loo soo gaabiyo ( NAKADSA), oo mabaadii'dii loo aas-aasay ay kow ka aheyd garab-is-taagga iyo ka caawinta bulshada dhanka; Wacyigelinta, Waxbarashada, Quudinta iyo fayo-dhawrka, ayaa u istaagay Ol-ole is-xilqaan ah, oo bulshada soomaaliyeed looga wacyigelinayo ka hortagga iyo xakameynta cudurka karoona feyras, ee dhowaan-galka nagu ah.Bacdamaa ay adkaatay in dadka goobo la isugu keeno ee laga wacyigeliyo, waxaan qaadannay ama door-bidnay waddo aan ka dhicin oo ah; inaan baraha bulshadu ku wada xiriirto, sida; Facebook-ga, u marinno gaar ahaan degalka aan ku leenahay ka naadi ahaan. Innaga oo bulshada uga faa'iideyneyna talooyinka; aqoonta iyo khibradda wata ee dhaqaatiirta naadiga xubnaha ka ahi bixinayaan. Taa oo suurtagelin karta, in wacyigelintu guri walba gaari karto maadaama guri walba oo bulsho ku nooshahay laga heli karo taleefoonka gacanta ee caaqilka ah (smartphone).Muuqaallada aan wacyigelinta ugu talo-galnay waxaan u qorsheynay inaan hab qeybo-qeybo ah u gudbinno intii aan kari karno. Sidaa darteed, xalqadda ama qeybta koobaad, waxaan ku billaabeynaa muuqaalka (Clip-ka); Dr. Mahad Maxamed Xasan, oo noo sharrixi doona weydiimaha hoos ku xusan: 1. Sidee looga hortagaa cudurka karoona feyras?2. Ma laga bogsadaa haddii uu qofka haleelo mise waa cudurrada aan laga bogsoon ee loo dhinto? iyo,3. Taladiisa la xiriirta cudurka ee uu shacabka soomaaliyeed u jeedinayo?Mahadsanidiin. Daawasho wacan.#WACYIGELIN_BULSHO_CONVID19————-DHAMMAAD————

Gepostet von NAADIGA NAKADSA SOOMAALIYA am Sonntag, 22. März 2020

]]>
GUDOOMIYE SHAAFICI CALI AXMED OO SOO DHISAY LOONA ANSIXIYAY GOLIHIISA FULINTA EE LA SHAQEYN DOONA: 2019–2021 https://www.nakadsa.so/gudoomiye-shaafici-cali-axmed-oo-soo-dhisay-loona-ansixiyay-golihiisa-fulinta-ee-la-shaqeyn-doona-2019-2021/ Mon, 06 Apr 2020 12:16:07 +0000 https://www.nakadsa.so/?p=393 Iyada oo laga amba-qaadayo in hogaanka naadiga NAKADSA xilliyadii dambe uu ku soo jiray marxalad kala-guur ah, loona doortay dhowaan hogaan cusub ayaa waxaa shalay inoo qabsoomay kulan ka mid ah kulamadii caadiga ahaa ee naadiga.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan goleyaasha naadigu ka kooban yahay, sida; Golaha guud, Golaha Sare, Golaha Fulinta ee cusub iyo Golaha dhexe. sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay marti sharaf ay ka mid yihiin; Ustaad Cabdimajid Xasan Nuux, maamulihii hore ee dugsiga Axmed Gurey ahaana Aas-aasihii Naadiga NAKADSA iyo Ustaad Maxamed Mooge Abshir, Maamulaha hadda ee dugsiga Axmed Gurey.

Kulanka waxaa la isugu yimid labo Ajande oo kala ahaa;
1- Ansixinta gudoomiye Kuxigeenka iyo Xogheynta golaha dhexe ee naadiga NAKADSA.
2- Ansixinta golaha fulinta cusub ee naadiga NAKADSA.

Soojeedintii gudoomiyaha guud/ fulinta ee naadiga MD:. SHAAFICI CALIXAASHI AXMED ka dib, Alle mahaddii waxaa xubnaha golaha dhexe ee sharafta badan cod u qaadeen ogolaashada Golaha fulinta cusub, ee labada sano ee soo aaddan ( 2019—2021) naadiga u shaqeyn doono, waxayna ku ansixiyeen cod aqlabiyad leh.

Waxaan mahad u celineynaa xubnaha Golaha dhexe ee kalsoonidooda siiyay golaha fulinta cusub ee Naadiga iyo ka soo qeyb galayaashii kaleba .

 

 

]]>
HOGAANKA CUSUB EE NAADIGA NAKADSA OO BOOQASHADII 1-AAD KU TEGAY DUGSIGII AY KA SOO FARCAMEEN EE AXMED GUREY. https://www.nakadsa.so/375-2/ Mon, 06 Apr 2020 12:06:57 +0000 https://www.nakadsa.so/?p=375 Naadiga NAKADSA oo labadii sanaba mar la doorto hugaanka goleyaashiisa, ayaa hugaankiisa cusubi shalay oo ay taariikhdu ku beegneyd: 27/11/2019-ka, booqasho rasmi ah ku tegay hooyada NAKADSA ee dugsiga axmed gurey.

Xubnaha iskuulka booqday ayaa isugu jiray labada gole ee naadiga ( golaha fulinta & golaha dhexe), oo ay wadajir u hugaaminayeen; Gudoomiyaha golaha fulinta ahna gudoomiyaha guud ee naadiga- Md. Shaafic Calixaashi iyo gudoomiyaha golaha dhexe ee naadiga- Mrw. Khadra Cabdullaahi ( toogane), oo ay wehlinayeen xubno labada gole ka kala tirsan.

Ujeedada socdaalka wefdiga NAKADSA ayaa daaraneyd; booqashada iyo indho-indheynta iskuulka, is-barashada ardayda iskuulka & maamulka cusub ee naadiga iyo ugu dambeyn fulinta nashaad dhir-beeris ah, oo horudhac ah, kaa oo ilaa 50 geed ( geed mireedyo & geedo qurxin) ah isugu jira, oo si bilaash ah naadiga NAKADSA ugu deeqay iskuulka axmed gurey, iyaga oo ka qeyb qaadan doono bilic-soo-celinta saaxada iskuulka iyo si guud wax ka bedelka cimilada dalka oo ay ka qeyb qaadan doonaan, bacdamaa cimilada xumaaday iyo soo noq-noqshada abaaraha ay sababta koobaad leeyihiin geedo yarida ka jirta dalka. Intaa waxaa dheeraa astaanta qaranka soomaaliyeed ( calanka Soomaaliyeed) oo iyana nashaadka qeyb ka aheyd lagana taagay mimbarka ( barxadda iskuulka).

Sidoo kale, maamulka cusub ee naadiga NAKADSA ayaa qiimeyn guud ku soo sameeyay baahiyada aas-aasiga ah ee iskuulka axmed gurey iyo xarunta xanaanada agoonta ee Al-huddaa, isaga oo la tashiyo iyo kulamo la yeeshay maamulka iskuulka axmed gurey, kuna booqday fasallada ardayda iskuulka, isaga oo warbixin guud ka siiyay naadiga, isla-markaana ka dhegeystay ardayda talooyin, una balan qaaday in la sii wadi doono nashaadaadkii naadigu iskuulka ka qaban jiray sanad walba, lana soo kordhin doono nashaadaad hor-leh haddii alle idmo.

-WADAJIR IYO WAXQABAD.

 

]]>
NAKADSA iyo Maamulka Iskuulka Axmed Gurey oo tartan hidaha iyo dhaqanka ah u qabtay ardayda Iskuulka https://www.nakadsa.so/nakadsa-iyo-maamulka-iskuulka-axmed-gurey-oo-tartan-hidaha-iyo-dhaqanka-ah-u-qabtay-ardayda-iskuulka/ Thu, 12 Apr 2018 15:21:25 +0000 http://www.nakadsa.org/?p=368 Maamulka Iskuulka Axmed Gurey ee Magaalada Muqdisho iyo Naadiga NAKADSA oo is kaashanaya ayaa tartan Hidaha iyo dhaqanka ah u qabtay ardayda dhigata dugsiga sare ee Axmed Gurey iyo fasalo ka mid ah dugsiga dhexe, waxayna arday ku tartamayeen soo bandhigida dhaqanka Soomaalida, sugaanta, qaar ka mid ah xoolaha Soomaalidu dhaqato, agabka ay hidaha u leeyihiin dadka Soomaaliyeed, cuntooyika iyo dalaga noocyadiisa kala duwan ee ka baxa dhulka hooyo.

Tartanka oo ay garsoorayaal ka ahaayeen macallimiinta Iskuulka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa maamulka sare ee Iskuulka iyo qaar ka mid ah madaxda Naadiga NAKADSA.

Ayadoo fasaladii tartamayay uu mid weliba wax gaar ah ku tartamayay ayaa waxaa ugu horeeyay fasalka Form4 oo masrixii tartanka kusoo bandhigay hibada ay Soomaalida u leedahay dhaqashada xoolaha gaar ahaan ariga iyo fardaha, ayagoona sido kale soo bandhigay Soomaalidii hore sida mas’uuliyadda leh ee ay u xalin jireen khilaafaadka dhexdooda ah marka ay is qabtaan ama uu muran soo kala dhexgalo.

Waxaa ku xigay fasalka Form3 oo ayaguna masraxa ku soo bandhigay sugaan iyo agabka ay hidaha u leeyihiin dadka Soomaaliyeed, ayagoona sharaxaad ka bixiyay waxa uu kaga duwan yahay kuwa dalka dibadiisa laga keeno.

Fasalka Form2 ayaa ayaguna tartanka uga qeyb galay soo bandhigida sugaan ka hadleysay faa’iidada ay bulshadeena u leedahay beerayashada, waxay kusoo galeen masraxa noocyada qudaarta ee dalkeena ka baxda.

Tartamayaashii ka qeyb galayay tartanka oo ay ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin hidahooda iyo waxa ay ab iyo asal u leeyihiin in ay ku tartamaan ayaa fasalka Form1 ardaydii ka socotay waxay ayaguna masraxa la yimaadeen hibada ay Soomaalida u leedahay dhaqashada Geela.

Dhinaca kalena fasalka sideedaad ee dugsiga dhexe ayaa ayaguna lasoo shir tagay badar tumow iyo sida ay hableena ugu heesaan hees howleedyada marka ay tumayaan galeyda.

Fasalka 7-aad ee dugsiga dhexe ayaa dhankooda kaga qeyb galay tartanka soo bandhigida cunto karsan oo laga sameeyay dalaga dalka ka baxa, qudaarta, iyo hilibka, waxyaabaha ay soo bandhigeenna waxaa ka mid ahaa, cambuulada, canjeerada, muufada, hilibka, bunka saliida lagu dubo, taangada ama saloolka iyo kuwa kale oo badan dhamaantoodna ah cunto laga sameeyay dalaga iyo qudaarta inoo baxda, waxaana bandhigooda qeyb ka ahaa cuntadaa karsan burjikadii iyo dharigii lagu kariyay oo dhoobo ka sameysan, Soomaalidana hido u ah ilaahayna hibo u siiyay.

Tartankan ayaa qeyb ka ahaa tartamo kala duwan oo maalmihii lasoo dhafay ka socda Iskuulka una dhaxeeyay dhamaan ardayda dhigata Iskuulka oo sanadkiiba mar sidan loo qabto.

Waxaa horey tartan dhinaca Sportska oo loo qabtay arday kusoo guuleystay fasalka Form1 ee dugsiga sare, ayadoona tartanka Kedis ee aqoonta guud ay final wada joogaan fasalada 7-aad oo dugisga dhexe ah iyo Form3 oo dugsiga sare ah.

Waxaana xusid mudan in 25- bishan April 2018-ka xaflad balaaran oo Iskuulka ka dhici doonta haduu alle idmo lagu abaalmarin doono dhamaan fasalada ku guuleystay Tartamadii la qabtay.

 

 

]]>
NAKADSA CUP oo saakay si rasmi ah u furmay iyo kulamo xiiso badan oo la ciyaaray+Sawiro https://www.nakadsa.so/nakadsa-cup-oo-saakay-si-rasmi-ah-u-furmay-iyo-kulamo-xiiso-badan-oo-la-ciyaaraysawiro/ Tue, 20 Feb 2018 18:08:36 +0000 http://www.nakadsa.org/?p=348 Waxaa saakay oo Talaado ah 20-Feb.2018 si rasmi ah barxadda Iskuulka Axmed Gurey uga furmay tartanka kubadda cagta ee NAKADSA CUP oo sanadkiiba mar loo qabto arday dhigata dugsiga sare Axmed Gurey, waxaana sanadkan ka qeyb galaya tartanka fasalada Form1 —- Form4.

Furitaanka Tartanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Cabdikariin Maxamed XasanNA Madaxa dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee NAKADSA iyo ku xigeenkiisa Mustafa Maxamuud Cali Raage, ayadoona cayaartii furitaanka ay fooda is dareen fasalada Form2 Vs Form3, ciyaar xiiso iyo xamaasad sareysa xambaarsaneyd oo ay soo bandhigeen kadib waxay 3-2 guusha ku raacday kooxda ku ciyaareysay magaca fasalka Form 3.

Isla gelinka dambe ee maanta ayaa sido kale waxaa balansan oo ciyaari doona fasalada Form1 Vs Form4.


IMG_6134

IMG_6141

IMG_6147

IMG_6148

IMG_6150

IMG_6151

IMG_6165

IMG_6174

IMG_6195

IMG_6199

IMG_6201

IMG_6203

IMG_6214

IMG_6217

IMG_6218

IMG_6241

]]>
NAADIGA NAKADSA OO KA QEYB GALAY XUSKA MAALINTA DHALINYARADA EE 15 MAY 2015 DOWLADANA TALOOYIN UJEEDIYEY https://www.nakadsa.so/naadiga-nakadsa-oo-ka-qeyb-galay-xuska-maalinta-dhalinyarada-ee-15-may-2015-dowladana-talooyin-ujeediyey/ Fri, 29 Jan 2016 05:07:51 +0000 http://www.nakadsa.org/?p=298 Umadd waliba maalin leh waxaa caada ah in la xuso maalinta dhalinyarada soomaaliyeed oo ku astaysan maalintii la aas aasay ururukii gobanimo doonka soomaaliyeed ee  SOMALI YOUTH LEAGUE oo loosoo gaabiyo  ( S.Y.L ) lana aas aasay ama si rasmi ah jiritaankiisa loogu dhawaaqay 15kii bishii may sanaddii 1943kii

Sanadkaan 2015 waxa la qabtay xaflad heer sare ahayt taa oo lagu weyneynayey maalinkaas qiimaha iyo qaayahaba u leh guud ahaan ummadda soomaaliyed gaar ahaana dhalinyarada soomaaliyed meel kasta oo ay ku suganyihiin islamarkaana taaba gelinteeda ay lahayt wazaarada dhalinyarada iyo isboortiga dowlada federaalka soomaaliya

 

Waxaa lagu casuumay ama kaso qeyb galay xubnaha ugu sareeya dowlada soomaaliya sida madaxweynaha soomaliya xasan sheikh maxamud ,gudoomiyaha barlamaanka soomaliyed  maxamed sheikh cusman “jawaari “,ra’iizul wazaara ku xigeenka maxaamed cumar carte “qaalib” iyo weliba gudoomiyaha gobalka banaadir maxamed xasan xusen “mungaab

 

Sido kale wax aka mid ahaa kazoo qeyb galayaashii munaasabada qeyba ka mid ah ururada bulshada sida ururka haweenka qaranka soomaaliyeed. Ururka dhalinyarada qaranka iyo NAADIGA NAKADSA

 

 

Gunaanadkii ayaa xubin ka socotay naadiga NAKADSA ahna gudomiye ku xigeenka naadiga marwo ZAM ZAM DAAHIR lagu soo dhoweyey micrafoonka isla markaana qudbad wax toosin ah halkaa ka jeedisay

Marwo zam zam ayaa waxa ay ka dhawaajisay in dhalinyaro badani ku xiranyihiin xabsiyada ay maamusho dowlada soomaaliyed ayna u baahanyihin daryeel iyo xanaanayn si lamida waxay u baahanyihin in la hagaajiyo dhaqankooda iyo In loo sameeyo hanaan waxbarsho intay xabsiyada ku jiraan si fursadooda uga faa’iideystaan uguna soo laabtaan bulshada dhexdooda ayagoo wax bartay  waqtina uusan ka lumen waxay intaa raacisay in wazaaradu dhexda u xirato inay gaarsiido waxbarsho dhalinyarada gobalada ku sugan kuwa haysatana ku dadaasho tayentooda si ay nabad galaan in si aan munaasab ku ahayn looga faa’iideysto

 

Marwo zam zam ayaa waxay si gaar ula hadshay talana u jeedisay wazaarada  amniga qaranka taa oo ah inay keenaan / la yimaadaan qorshe ka haboon kan ay hada dhowrida amaanka ku wajahaan oo dhalinyarada aad u qal qal geliya sida in habeenkii saq dhexe guryaha loogu galo lanasoo kexeeyo waxaana wanaagsan bay tiri in la sameeyo hab-raac kaa ka fudud ka wacan oo an waxyeeli kareyn maskaxda dhalinyarada islamarkaana aysan ku abuurin dowlad naceyb badalkeedana ay ku abuuraan dowlad jaceyl kana kasbadaan waaaradu dhalinta inay iskood isu xil qaamaan kana shaqeeyaan amniga/amaanka degaankooda ama guud ahaan dalka

Ugu dambeyn wazaarada dhalinyarada iyo isboortiga waxaa madax ka ah masuul dhalinyaro ah si taa la mida 17da degmo ee gobalka banaadir waxaa hormuud ka ah dhalinyaro fir fircooni ka muuqanayso waxa ayna kuu muujinaysaa heerka baraaruga dhalinyarada soomaaliyeed

]]>
Naadiga  NAKADSA oo Qabtey Dood ku saabsan Mideynta Dadaallada kala duwan iyo Awoodaha Dhallinyarada. https://www.nakadsa.so/naadiga-nakadsa-oo-qabtey-dood-ku-saabsan-mideynta-dadaallada-kala-duwan-iyo-awoodaha-dhallinyarada/ Sat, 26 Dec 2015 12:22:12 +0000 http://www.nakadsa.org/?p=293 Dood Cinwaankeedu ahaa Mideynta dadaallada kala duwan iyo awoodaha dhallinyarada ee dib u soo kabashada dalka,ayna soo qaban qaabsey Naadiga  NAKADSA isla markaana ay ka qayb galey Ururada Dhalinyarada ee Dalka ka jira ayaa lagu qabtey Magaalada Muqdisho

Ugu horeyn waxaa halkaa ka hadley Samsam Daahir oo ah Gudoomiye ku xigeenka oo ka socotey Naadiga Nakadsa waxay sheegtey in ujeedka loo qabtey doodaan ay tahay in la helo dhalinyaro dhinac waliba ka mideysan si sare loogu  qaado wacyiga dhallinyarada iyo mideynta awoodaha kala duwan ee dhalinyarada si loo fududeeyo loogana jawaabo hanka dhallinyarada ee ka qaybgalka dowladnimada waxay sii raacisey Samsam

“Sidoo kale ujeedka Naadiga NAKADSA  waa In la  buura madal wadahadal oo dhallinyaradu uga wada xaajooto danahooda si loo fududeeyo wax wada qabsiga iyo iskaashiga dhallinyarada.sidoo kale  In la abuuro jawi Isfaham oo dhallinyarada dibadda ka soo laabatay iyo kuwa dalka ku noolaa ay isku dhaafsan karaan khibradaha iyo aqoonta labada dhinac waxaa kale uu Naadiga doonayaa . In laga wada xaajoodu sida ugu mira dhalsan oo loo fulin karo siaayasadda qaran ee dhallinyarada ee dowladdu ku howlan tahay”.

Ururradii  Dhalinyarada ee ka qayb galey doodii ku saabsaneyd Mideynta dadaallada kala duwan iyo awoodaha Dhallinyarada ee dib u soo kabashada dalka ayaa halkaa isku dhaafsadey fikrado iyo Aaraa ku saabsan sida ay u midoobi lahaayeen dhalinyarada Soomaaliyed isla markaana loo heli lahaa Siyaasad Qaran oo Dhalinyarada Soomaaliyeed ku hagta Dariiqa ay ku gaari karan isku duubni iyo Horumar

Gabagabadii ayaa waxaa dooda soo xirey Gudoomiyaha Naadiga NAKADSA Cabdiraxmaan Shiikh Xuseen Ashcari oo u mahadceliyey Ururradii ka qayb galey doodii ku saabsnayd Mideynta dadaallada kala duwan iyo awoodaha dhallinyarada ee dib u soo kabashada dalka isagoo sheegey in Naadiga NAKADSA uu halkaas ka sii wadi doono doodaha noocaan ah ee lagu Horumarinayo Dhalinyarada Soomaaliyeed

Talooyinkii ay soo jeediyeenn  ururradii ka qayb galey doodaas ayaa waxaa ka md ahaa in laga gudbi arrimaha Qabiilka iyo nin jecleysiga sidoo kale waxaa ka mid aha talooyinkii la soo jeediyey in la helo xog is dhaafsi ku saabsan doorka Dhalinyarada , waxaa kaloo ka mid ahaa Talooyinkii la soo jeediyey in la sameeyo Abaabul iyo Wacyigelin ku saabsan mideynta Dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

13 12 10 9 8 7 6 5 4 3 2 1

 

 

]]>
QAAR KA MIDA MADAXDA NAKADSA AYAA KA QEYB GASHAY XAFLADII SAGOONTINTA DUFCADA 17AAD https://www.nakadsa.so/qaar-ka-mida-madaxda-nakadsa-ayaa-ka-qeyb-gashay-xafladii-sagoontinta-dufcada-17aad/ Thu, 28 May 2015 13:21:37 +0000 http://www.nakadsa.org/?p=162 Madaxa golaha dhexe sowdo mire cusman gudoomiye ku xigeenka gudoomiyaha golaha fulinta ee naadiga nakadsa zamzam daahir madaxa iclaamka iyo warfaafinta ustaad cabdi qaasim iyo xubna kale ayaa dhowaan ka qeyb galay xaflada si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay iskuulka iyo macalimiintaba ku sagootinayeen dufcadii 17aad ee ka qalin jebisay iskuulka hoose/dhexe iyo sare ee imaam axmed gurey

xaflada ayaa waxaa lagu casuumay marti sharaf kala duwan oo ay ugu horeeyaan maamulka, macalimiinta iyo arday ka socotay iskuula kale bahda saxaafada iyo marti kale haba ugu horeeyane mudanayaasha ka socday naadiga nakadsa oo halkaa ka sheegay hadalo bogaadin u ah ardaydii dufcadii 17aad isla markaana waxa ay ugu bishaareeyeen inuu naadigu gacma furan kusoo dhoweynayo

DAAWO SAWIRO:

 

20150420_092509

 

20150420_084010

 

 

 

20150420_084008

 

]]>
URURKA NAKADSA OO BAAQ U DIRAY DOWLADDA SOMALIA IYO HAY’ADAHA KALE EE SOMALIA KU SUGAN https://www.nakadsa.so/ururka-nakadsa-oo-baaq-u-diray-dowladda-somalia-iyo-hayadaha-kale-ee-somalia-ku-sugan/ Wed, 27 May 2015 22:12:56 +0000 http://www.nakadsa.org/?p=146 Iyadoo aan ku Guda-jirno Toddobaadka Dabaal-degga 72-Sano-guuradii kasoo Wareergtay Aasaaskii Ururkii Gobonnimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL – 15-kii May 1943-dii iyo Kaalinta dhallinyaradii kale ay naftooda uGu hureen sidii loo hanan lahaa madax-banaannida Soomaaliya, ayuu ururuka NAKADSA oo ay ku mideysan yihiin 5,000 oo dhallinyaro ah wuxuu la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed farxadda iyo hambalyada, isagoo sidoo kale la wadaagaya dhibaatooyinka iyo xaaladaha qallafsan ee ay ku nool yihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Dhallinyarda Somaliyeed waxay 24-kii sano ee aynu soo dhafnay la kulmeen xad-gudubyo baahsan oo loo adeegsaday dagaallada sokeeye iyo fulinta  dano gaar ah oo gurraan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu soo saartay ururka.

Sidoo kale, waxaa qoraalka lagu sheegay in munasabadda xuska SYL awgeed ay dowladda Soomaaliya, hay’adaha caalamiga ah, hay’adaha wadaniga ah, ganacsatada iyo Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaan Qodobbada soo socda:

  1. In loo istaago sidii loo beddeli lahaa wajiga xun ee lala xiriiriyay dhallinyarada, kuwooda wali dhibka ku lugta lehna laga caawiyo sidii ay bulshada dib ugu biiri lahaayeen, iyagoo ka qayb-qaadanaya horumarka. Dhallinyradu waa laf-dhabarka dalka iyo mustqabalka Qaran-nimada, sida daraddeed waa in lagu taageeraa sidii ay kaalintooda u qaadan lahaayeen.
  2. In dhallinyarda lagu dhiirri-geliyo waxbarashada, lana furo xarumo wax barasho ama farsamo si ay nolashooda u kasbadaan.
  3. In dhallinyarada Soomaaliyeed loo Furo min Tuulo illaa Gobol Xarumo Xirfadaha ay ku bartaan si ay shaqooyin u abuurtaan, ugana qaybqataan badbaadada iyo amniga dalka, isla markaana u kobciyaan dhaqaalaha dalka, loona yareeyo tahriibka.
  4. In dowladda Somalia ay dadajiso siyaasadda lagu hagayo dhallinyarada Soomaaliyeed si ay ummadaha caalamka ula jaan-qaadaan.
  5. In dhallinyarada wax ku baratay Gudaha Dalka la siiyo tixgelin gaar ah – Xagga shaqada hay’addaha dowladda iyo kuwo aan dowliga ahayn.
  6. In dhallinyarada ku jira Xabsiyda loo sameeyo fursado Waxbarasho si ay uga soo baxaan kaalintooda, si ay dalka ugu hoggaamiyaan isbedel wanaagsan.
  7. In dowladda ay xakamayso dhibaatada muqaadaraadka lana taageero dadaallada wacyi-galinta ah ee looga so horjeedo Qaadka IWM, kaasoo qayb ka ah dhibaatada ugu weyn ee maanta haysta dhallinyarda Soomaaliyeed, isla markaasna uu Qaadku yahay mid dhiirri-gelinaya ammaan-darrada dalka ka jirta.

Ugu dambeyn, Ururka NAKADSA ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay inay dib u soo nooleeyaan dadaalladii SYL, ayna ka shaqeeyaan Midnimada iyo Wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

nakadsateam@gmail.com
Muqdisho, Soomaaliya

]]>