News Paper – Naadiga Ardayda ka Qalin jabisay Dugsiga Sare ee Axmed Gurey – NAKADSA https://www.nakadsa.so Thu, 12 Apr 2018 15:21:25 +0000 en-US hourly 1 https://wordpress.org/?v=5.3.20 NAKADSA iyo Maamulka Iskuulka Axmed Gurey oo tartan hidaha iyo dhaqanka ah u qabtay ardayda Iskuulka https://www.nakadsa.so/nakadsa-iyo-maamulka-iskuulka-axmed-gurey-oo-tartan-hidaha-iyo-dhaqanka-ah-u-qabtay-ardayda-iskuulka/ Thu, 12 Apr 2018 15:21:25 +0000 http://www.nakadsa.org/?p=368 Maamulka Iskuulka Axmed Gurey ee Magaalada Muqdisho iyo Naadiga NAKADSA oo is kaashanaya ayaa tartan Hidaha iyo dhaqanka ah u qabtay ardayda dhigata dugsiga sare ee Axmed Gurey iyo fasalo ka mid ah dugsiga dhexe, waxayna arday ku tartamayeen soo bandhigida dhaqanka Soomaalida, sugaanta, qaar ka mid ah xoolaha Soomaalidu dhaqato, agabka ay hidaha u leeyihiin dadka Soomaaliyeed, cuntooyika iyo dalaga noocyadiisa kala duwan ee ka baxa dhulka hooyo.

Tartanka oo ay garsoorayaal ka ahaayeen macallimiinta Iskuulka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa maamulka sare ee Iskuulka iyo qaar ka mid ah madaxda Naadiga NAKADSA.

Ayadoo fasaladii tartamayay uu mid weliba wax gaar ah ku tartamayay ayaa waxaa ugu horeeyay fasalka Form4 oo masrixii tartanka kusoo bandhigay hibada ay Soomaalida u leedahay dhaqashada xoolaha gaar ahaan ariga iyo fardaha, ayagoona sido kale soo bandhigay Soomaalidii hore sida mas’uuliyadda leh ee ay u xalin jireen khilaafaadka dhexdooda ah marka ay is qabtaan ama uu muran soo kala dhexgalo.

Waxaa ku xigay fasalka Form3 oo ayaguna masraxa ku soo bandhigay sugaan iyo agabka ay hidaha u leeyihiin dadka Soomaaliyeed, ayagoona sharaxaad ka bixiyay waxa uu kaga duwan yahay kuwa dalka dibadiisa laga keeno.

Fasalka Form2 ayaa ayaguna tartanka uga qeyb galay soo bandhigida sugaan ka hadleysay faa’iidada ay bulshadeena u leedahay beerayashada, waxay kusoo galeen masraxa noocyada qudaarta ee dalkeena ka baxda.

Tartamayaashii ka qeyb galayay tartanka oo ay ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin hidahooda iyo waxa ay ab iyo asal u leeyihiin in ay ku tartamaan ayaa fasalka Form1 ardaydii ka socotay waxay ayaguna masraxa la yimaadeen hibada ay Soomaalida u leedahay dhaqashada Geela.

Dhinaca kalena fasalka sideedaad ee dugsiga dhexe ayaa ayaguna lasoo shir tagay badar tumow iyo sida ay hableena ugu heesaan hees howleedyada marka ay tumayaan galeyda.

Fasalka 7-aad ee dugsiga dhexe ayaa dhankooda kaga qeyb galay tartanka soo bandhigida cunto karsan oo laga sameeyay dalaga dalka ka baxa, qudaarta, iyo hilibka, waxyaabaha ay soo bandhigeenna waxaa ka mid ahaa, cambuulada, canjeerada, muufada, hilibka, bunka saliida lagu dubo, taangada ama saloolka iyo kuwa kale oo badan dhamaantoodna ah cunto laga sameeyay dalaga iyo qudaarta inoo baxda, waxaana bandhigooda qeyb ka ahaa cuntadaa karsan burjikadii iyo dharigii lagu kariyay oo dhoobo ka sameysan, Soomaalidana hido u ah ilaahayna hibo u siiyay.

Tartankan ayaa qeyb ka ahaa tartamo kala duwan oo maalmihii lasoo dhafay ka socda Iskuulka una dhaxeeyay dhamaan ardayda dhigata Iskuulka oo sanadkiiba mar sidan loo qabto.

Waxaa horey tartan dhinaca Sportska oo loo qabtay arday kusoo guuleystay fasalka Form1 ee dugsiga sare, ayadoona tartanka Kedis ee aqoonta guud ay final wada joogaan fasalada 7-aad oo dugisga dhexe ah iyo Form3 oo dugsiga sare ah.

Waxaana xusid mudan in 25- bishan April 2018-ka xaflad balaaran oo Iskuulka ka dhici doonta haduu alle idmo lagu abaalmarin doono dhamaan fasalada ku guuleystay Tartamadii la qabtay.

 

 

]]>
NAKADSA CUP oo saakay si rasmi ah u furmay iyo kulamo xiiso badan oo la ciyaaray+Sawiro https://www.nakadsa.so/nakadsa-cup-oo-saakay-si-rasmi-ah-u-furmay-iyo-kulamo-xiiso-badan-oo-la-ciyaaraysawiro/ Tue, 20 Feb 2018 18:08:36 +0000 http://www.nakadsa.org/?p=348 Waxaa saakay oo Talaado ah 20-Feb.2018 si rasmi ah barxadda Iskuulka Axmed Gurey uga furmay tartanka kubadda cagta ee NAKADSA CUP oo sanadkiiba mar loo qabto arday dhigata dugsiga sare Axmed Gurey, waxaana sanadkan ka qeyb galaya tartanka fasalada Form1 —- Form4.

Furitaanka Tartanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Cabdikariin Maxamed XasanNA Madaxa dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee NAKADSA iyo ku xigeenkiisa Mustafa Maxamuud Cali Raage, ayadoona cayaartii furitaanka ay fooda is dareen fasalada Form2 Vs Form3, ciyaar xiiso iyo xamaasad sareysa xambaarsaneyd oo ay soo bandhigeen kadib waxay 3-2 guusha ku raacday kooxda ku ciyaareysay magaca fasalka Form 3.

Isla gelinka dambe ee maanta ayaa sido kale waxaa balansan oo ciyaari doona fasalada Form1 Vs Form4.


IMG_6134

IMG_6141

IMG_6147

IMG_6148

IMG_6150

IMG_6151

IMG_6165

IMG_6174

IMG_6195

IMG_6199

IMG_6201

IMG_6203

IMG_6214

IMG_6217

IMG_6218

IMG_6241

]]>
NAKADSA oo tababar labo bilood soconaya u bilowday arday gaareysa 300 oo arday https://www.nakadsa.so/nakadsa-oo-tababar-labo-bilood-soconaya-u-bilaabay-arday-gaareysa-300-oo-arday/ Sat, 16 Dec 2017 14:49:07 +0000 http://www.nakadsa.org/?p=321  

 

Naadiga NAKADSA ayaa 14-12-2017 tababar lagu baranayo Maamulka iyo Maareynta, Gargaarka degdega, Nafaqeynta, Saxaafadda iyo Sheybaarka waxa uu u bilaabay arday gaareysa 300 oo arday kuwaa oo isu jira ardayda dhigata Iskuulka Axmed Gurey iyo kuwa kale.

Tababarkan oo fulintiisa ay iska kaashanayaan Waaxaha Waxbarashada iyo Tababarka ee Naadiga ayaa waxaa bixinaya qaar ka mid ah golaha fulinta ee Naadiga iyo macallimiin kale.

Ardaydan tababarka loo bilaabay oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa qorshuhu yahay in tababarka mudo labo bilood ah ay qaataan kadibna shahaadooyin wixii ay barteen ah la guddoon siiyo.

IMG_4739

IMG_4715

IMG_4698

IMG_4683

IMG_4682

IMG_4657

IMG_4666

IMG_4674

IMG_4675

IMG_4677

IMG_4652

IMG_4648

IMG_4647

IMG_4645

IMG_4643

IMG_4638

IMG_4641

IMG_4642

]]>
NAADIGA NAKADSA OO KA QEYB GALAY XUSKA MAALINTA DHALINYARADA EE 15 MAY 2015 DOWLADANA TALOOYIN UJEEDIYEY https://www.nakadsa.so/naadiga-nakadsa-oo-ka-qeyb-galay-xuska-maalinta-dhalinyarada-ee-15-may-2015-dowladana-talooyin-ujeediyey/ Fri, 29 Jan 2016 05:07:51 +0000 http://www.nakadsa.org/?p=298 Umadd waliba maalin leh waxaa caada ah in la xuso maalinta dhalinyarada soomaaliyeed oo ku astaysan maalintii la aas aasay ururukii gobanimo doonka soomaaliyeed ee  SOMALI YOUTH LEAGUE oo loosoo gaabiyo  ( S.Y.L ) lana aas aasay ama si rasmi ah jiritaankiisa loogu dhawaaqay 15kii bishii may sanaddii 1943kii

Sanadkaan 2015 waxa la qabtay xaflad heer sare ahayt taa oo lagu weyneynayey maalinkaas qiimaha iyo qaayahaba u leh guud ahaan ummadda soomaaliyed gaar ahaana dhalinyarada soomaaliyed meel kasta oo ay ku suganyihiin islamarkaana taaba gelinteeda ay lahayt wazaarada dhalinyarada iyo isboortiga dowlada federaalka soomaaliya

 

Waxaa lagu casuumay ama kaso qeyb galay xubnaha ugu sareeya dowlada soomaaliya sida madaxweynaha soomaliya xasan sheikh maxamud ,gudoomiyaha barlamaanka soomaliyed  maxamed sheikh cusman “jawaari “,ra’iizul wazaara ku xigeenka maxaamed cumar carte “qaalib” iyo weliba gudoomiyaha gobalka banaadir maxamed xasan xusen “mungaab

 

Sido kale wax aka mid ahaa kazoo qeyb galayaashii munaasabada qeyba ka mid ah ururada bulshada sida ururka haweenka qaranka soomaaliyeed. Ururka dhalinyarada qaranka iyo NAADIGA NAKADSA

 

 

Gunaanadkii ayaa xubin ka socotay naadiga NAKADSA ahna gudomiye ku xigeenka naadiga marwo ZAM ZAM DAAHIR lagu soo dhoweyey micrafoonka isla markaana qudbad wax toosin ah halkaa ka jeedisay

Marwo zam zam ayaa waxa ay ka dhawaajisay in dhalinyaro badani ku xiranyihiin xabsiyada ay maamusho dowlada soomaaliyed ayna u baahanyihin daryeel iyo xanaanayn si lamida waxay u baahanyihin in la hagaajiyo dhaqankooda iyo In loo sameeyo hanaan waxbarsho intay xabsiyada ku jiraan si fursadooda uga faa’iideystaan uguna soo laabtaan bulshada dhexdooda ayagoo wax bartay  waqtina uusan ka lumen waxay intaa raacisay in wazaaradu dhexda u xirato inay gaarsiido waxbarsho dhalinyarada gobalada ku sugan kuwa haysatana ku dadaasho tayentooda si ay nabad galaan in si aan munaasab ku ahayn looga faa’iideysto

 

Marwo zam zam ayaa waxay si gaar ula hadshay talana u jeedisay wazaarada  amniga qaranka taa oo ah inay keenaan / la yimaadaan qorshe ka haboon kan ay hada dhowrida amaanka ku wajahaan oo dhalinyarada aad u qal qal geliya sida in habeenkii saq dhexe guryaha loogu galo lanasoo kexeeyo waxaana wanaagsan bay tiri in la sameeyo hab-raac kaa ka fudud ka wacan oo an waxyeeli kareyn maskaxda dhalinyarada islamarkaana aysan ku abuurin dowlad naceyb badalkeedana ay ku abuuraan dowlad jaceyl kana kasbadaan waaaradu dhalinta inay iskood isu xil qaamaan kana shaqeeyaan amniga/amaanka degaankooda ama guud ahaan dalka

Ugu dambeyn wazaarada dhalinyarada iyo isboortiga waxaa madax ka ah masuul dhalinyaro ah si taa la mida 17da degmo ee gobalka banaadir waxaa hormuud ka ah dhalinyaro fir fircooni ka muuqanayso waxa ayna kuu muujinaysaa heerka baraaruga dhalinyarada soomaaliyeed

]]>
DOORASHADII GOLAHA DHEXE EE NAADIGA NAKADSA+DAAWO SAWIRO https://www.nakadsa.so/doorashadii-golaha-dhexe-ee-naadiga-nakadsadaawo-sawiro/ Sat, 06 Jun 2015 19:23:49 +0000 http://www.nakadsa.org/?p=204 6/2/2015 waxay aheyt maalin ku weyn bahweynta ku abtirsata dugsiga sare ee axmed gurey iyo naadi ardayeed loo agaagumay isku xirka iyo weliba iska warqabka wax soo saarka dugsiga axmed gurey oo looga jeedo ardayda ka soo burqanaysa sanadba sanadka xiga

horey waxaa loo soo doortay mudanayaal metela ardayda dhan 5000 oo arday kuwaa oo ku midaysan naadiga NAKADSA ayagoo soo hagayey naadiga mudo sanado ah isuguna jiray gole dhexe iyo gole sare ama fulin iyo  shuuro intaba

ustaad Cali Ciise Cumar wuxuu horey u hayey madaxa golaha dhexe ee naadiga NAKADSA sido kale waxa si la mida hayey xafiiska gudoomiyaha golaha sare ama fulinta mudane maxamed sh/khaliif axmed

shir ay isugu yimideen boqolaal ka mid ah golaha guud ee naadiga NAKADSA ayaa lugu doortay mudanayaal cusub oo xilka naadiga sii daadahayn doona mudada soo aadan hadii naftu baaqi naqato waxaana si cadaaladi ku dheehantahay loo doortay xubnaha golaha dhexe oo tira ahaan ka kooban 49 xubnood sida ku qoran laa’ixada ama xeer hoosaadka naadiga NAKADSA islamarkaana waxay isla goobtii ku doorteen gudoomiyaha cusub ee golaha dhexe naadiga marwo sowdo mire cusmaan oo cod hal dheeri ah uga  guuleysatay mudane cabdulahi ibraahim xasan

xaflada oo si heer sare loo soo agaasimay ayaaa waxaa ka soo qeyb galay marti sharaf kala duwan sida golaha guud ee naadiga nakdsa ardayda hada dhigata dugsiga axmed gurey badankood macalimiinta iskuulka axmed gurey kor joogayaal macalimiin horay wax uga dhigi jirtay iskuulka axmed gurey madaxa ka socotay jaamacadaha magaalada muqdisho maxdax ka socotay hay’ada AMA (african muslims agency) bahda saxaafada iyo marti kale xaflada ayaa si farxad leh ku soo xirantay alamdulilah.

DAAWO SAWIRO

3                                   yaska y wewe suudka store sacd sacdiya sax she soodka s qadar.JPG33 n moge malin jytjty kediye khadra l m gurey gg g ff fa cod1 count d dhalo f at bintu bubka cabdikariim Capture ac ae
an asa 3 cabdalaaa cabdala c buub b bo bintu ashcari asa as 3 a aa ab ac ae ad an bubka bube

 

 

]]>
URURKA NAKADSA OO BAAQ U DIRAY DOWLADDA SOMALIA IYO HAY’ADAHA KALE EE SOMALIA KU SUGAN https://www.nakadsa.so/ururka-nakadsa-oo-baaq-u-diray-dowladda-somalia-iyo-hayadaha-kale-ee-somalia-ku-sugan/ Wed, 27 May 2015 22:12:56 +0000 http://www.nakadsa.org/?p=146 Iyadoo aan ku Guda-jirno Toddobaadka Dabaal-degga 72-Sano-guuradii kasoo Wareergtay Aasaaskii Ururkii Gobonnimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL – 15-kii May 1943-dii iyo Kaalinta dhallinyaradii kale ay naftooda uGu hureen sidii loo hanan lahaa madax-banaannida Soomaaliya, ayuu ururuka NAKADSA oo ay ku mideysan yihiin 5,000 oo dhallinyaro ah wuxuu la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed farxadda iyo hambalyada, isagoo sidoo kale la wadaagaya dhibaatooyinka iyo xaaladaha qallafsan ee ay ku nool yihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Dhallinyarda Somaliyeed waxay 24-kii sano ee aynu soo dhafnay la kulmeen xad-gudubyo baahsan oo loo adeegsaday dagaallada sokeeye iyo fulinta  dano gaar ah oo gurraan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu soo saartay ururka.

Sidoo kale, waxaa qoraalka lagu sheegay in munasabadda xuska SYL awgeed ay dowladda Soomaaliya, hay’adaha caalamiga ah, hay’adaha wadaniga ah, ganacsatada iyo Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaan Qodobbada soo socda:

  1. In loo istaago sidii loo beddeli lahaa wajiga xun ee lala xiriiriyay dhallinyarada, kuwooda wali dhibka ku lugta lehna laga caawiyo sidii ay bulshada dib ugu biiri lahaayeen, iyagoo ka qayb-qaadanaya horumarka. Dhallinyradu waa laf-dhabarka dalka iyo mustqabalka Qaran-nimada, sida daraddeed waa in lagu taageeraa sidii ay kaalintooda u qaadan lahaayeen.
  2. In dhallinyarda lagu dhiirri-geliyo waxbarashada, lana furo xarumo wax barasho ama farsamo si ay nolashooda u kasbadaan.
  3. In dhallinyarada Soomaaliyeed loo Furo min Tuulo illaa Gobol Xarumo Xirfadaha ay ku bartaan si ay shaqooyin u abuurtaan, ugana qaybqataan badbaadada iyo amniga dalka, isla markaana u kobciyaan dhaqaalaha dalka, loona yareeyo tahriibka.
  4. In dowladda Somalia ay dadajiso siyaasadda lagu hagayo dhallinyarada Soomaaliyeed si ay ummadaha caalamka ula jaan-qaadaan.
  5. In dhallinyarada wax ku baratay Gudaha Dalka la siiyo tixgelin gaar ah – Xagga shaqada hay’addaha dowladda iyo kuwo aan dowliga ahayn.
  6. In dhallinyarada ku jira Xabsiyda loo sameeyo fursado Waxbarasho si ay uga soo baxaan kaalintooda, si ay dalka ugu hoggaamiyaan isbedel wanaagsan.
  7. In dowladda ay xakamayso dhibaatada muqaadaraadka lana taageero dadaallada wacyi-galinta ah ee looga so horjeedo Qaadka IWM, kaasoo qayb ka ah dhibaatada ugu weyn ee maanta haysta dhallinyarda Soomaaliyeed, isla markaasna uu Qaadku yahay mid dhiirri-gelinaya ammaan-darrada dalka ka jirta.

Ugu dambeyn, Ururka NAKADSA ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay inay dib u soo nooleeyaan dadaalladii SYL, ayna ka shaqeeyaan Midnimada iyo Wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

nakadsateam@gmail.com
Muqdisho, Soomaaliya

]]>