waxaa caada ah in iskuulka axmed gurey uu sanad kasta soo saaro arday aad u tiro badan oo boqolaal gaarayo islamarkaana usaaxiiba aqoon tayeysan kuwaa oo isugu jira macaliminta.dhaqaatiir qareenada mustaqbalka
sanad dugsiyeedka 2014/2015 waxaa iskuulka ka qalin jebisay arday ku dhow 200 oo isugu jira gabdho iyo wiilal intaba
23/7/2015 waxaa hoolka hotelka muqdisho in lagu magacaabo ka dhacday xaflada si heer sare ah loo soo agaasimay
taa oo ay soo camireen marti sharaf fara badan ayna ugu horeeyeen maaamulka iyo macaliminta dugsiga axmed gurey iyo madaxda naadiga arday ka qalin jebisay dugsiga sare ee axmed gurey oo loo soo gaabiyo NAKADSA sida gudoomiyaha golaha fulinta/sare cabdiraxman shiikh xuseen (ashcari) iyo gudomiyaha golaha shuurada sowdo mire cusmaan iyo weliba ku xigeenadooda
sido kale waxaa lagu casuumay xaflada madaxda gobalka banaadir qaarkood oo ku abtirsada iskuulka faca weyn ee axmed gurey iyo weliba ururada ka jira magaalada muqdisho qaarkood
si kastaba ha ahaatee xaflada ayaa laga jeediyey khudbooyin kala duwan oo aad umacaan
DAAWO SWIRADA: