Munaa sabad ay Xilka kula kala wareegayeen Hogaankii 8-aad ee Naadiga Nakadsa iyo Hogaanka Cusub ee dhawaan la doortay ayaa Galabta (13/09/2019) ka dhacday magaalada Muqdisho.
Munaasabaddaan oo ay ka soo qeeyb galeen xubno ka tirsan Golayaasha Afarta ah ee Naadiga Nakadsa (Guolaha Guud, Golaha Dhexe, Golaha Fulinta & Golaha Sare), Madaxdii hore ee Nakadsa soo hoggaamisay, Maamulka iyo hool wadeenada Jimciyadda Direct Aid, Maamulka Dugsiga Axmed Gurey iyo Marti sharaf kaloo kala duwan ayaa waxaa lagu soo bandhigay Xiisaab Celinta iyo wax qabadkii labada gole ee Xilkoodu dhamaaday oo Maqal, Muuqaal iyo qoraalba lahaa.
Mudanayaashii ka soo qeeyb galay munaasabadda oo u riyaaqay waxqabadkii ay soo bandhigeen hoggaankii 8-aad ee xilkoodu dhamaaday ayaa hoggaanka cusub ee maanta la caleema saaray ugu yaboohay aduun lacageed oo gaaraya $5,300 (shan kun & Sadax boqol oo Dollar) taasoo ka dhigeeysa hoggaanka cusub ee maanta la caleema saaray hoggaankii ugu nasiibka badnaa intii hoggaan ee uu yeesho Naadiga Nakadsa maadaama isla Munaasabaddii lagu caleema saarayay ay ku heleen lacago yabooh ah oo xooggan.
Khudbadihii kala duwanaa ee ay Madaxdii iyo Marti sharaftii kala duwanaa madasha ka jeediyeen ka dib, waxaa shahaado sharafyo la gudoonsiiyay Masu’uuliyiin farabadan oo madasha ku casuumnaa.
Shahaada sharafyada oo ay bixinayeen Guddoomiyihii hore ee Golaha Fulinta Nakadsa Ustaada Sacdiya Cabduraxmaan Xuseen, Guddoomiyihii hore ee Golaha dhexee Nakadsa Dr. Cabdulqaadir Maxamed Axmed “Keynaan” iyo Xog-hayihii horee Nakadsa Maxamed Ismaaciil Cumar “Khatami” ayaa waxaa lagudoonsiinayay Xubna Reer Nakadsa ah oo Muteeystay in la sharfo, Guddiyadii kala duwaanaa ee Naadiga la soo shaqeeyay iyo Cid walba oo si uun ula soo shaqeeysay ama u garab istaagtay Naadiga Nakadsa.
Dardaaran iyo tala siin kadib hoggaankii hore ee Naadiga Nakadsa Guddoomiye Sacdiya Cabduraxman iyo Gudoomiye Cabdulqaadir Keynaan ayaa si rasmi ah Xilka ugu wareejiyay hoggaanka 9-aad ee Nakadsa u arimin doono labada sanee soo socota, waxa ayna u ballanqaadeen garab istaag iyo in ay la shaqeeyn doonaan inta ay xilka hayaan.
Hogaanka 9-aad ee labada golee maanta la caleemasaaray ee ay kala hoggaaminayaan Guddoomiyaha Golaha Fulinta Shaafici Cali Axmed iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe Khadra Cabdullaahi Xasan ayaa ayagana dhankooda ka mahad celiyay hab maamuuskii wanaagsanaa ee Xilka loogu wareejiyay iyo Yabooha sida dag-dagga ah loogu sameeyay waxa ayna balan qaadeen in waxqabadka Naadiga Nakadsa ay sii joogteeyn doonaan mashaariic hor lehna ay ku soo kordhin doonaan.
Naadiga Nakadsa oo haatan 16 sano jirsaday ayaa ah Naadi ay ku mideysanyihiin ku dhawaan todobo kun oo Aqoonyahan kuwaasoo dhamaanto ka soo Aflaxay Dugsiga Sare ee Axmed gureey.
HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO