Umadd waliba maalin leh waxaa caada ah in la xuso maalinta dhalinyarada soomaaliyeed oo ku astaysan maalintii la aas aasay ururukii gobanimo doonka soomaaliyeed ee SOMALI YOUTH LEAGUE oo loosoo gaabiyo ( S.Y.L ) lana aas aasay ama si rasmi ah jiritaankiisa loogu dhawaaqay 15kii bishii may sanaddii 1943kii
Sanadkaan 2015 waxa la qabtay xaflad heer sare ahayt taa oo lagu weyneynayey maalinkaas qiimaha iyo qaayahaba u leh guud ahaan ummadda soomaaliyed gaar ahaana dhalinyarada soomaaliyed meel kasta oo ay ku suganyihiin islamarkaana taaba gelinteeda ay lahayt wazaarada dhalinyarada iyo isboortiga dowlada federaalka soomaaliya
Waxaa lagu casuumay ama kaso qeyb galay xubnaha ugu sareeya dowlada soomaaliya sida madaxweynaha soomaliya xasan sheikh maxamud ,gudoomiyaha barlamaanka soomaliyed maxamed sheikh cusman “jawaari “,ra’iizul wazaara ku xigeenka maxaamed cumar carte “qaalib” iyo weliba gudoomiyaha gobalka banaadir maxamed xasan xusen “mungaab”
Sido kale wax aka mid ahaa kazoo qeyb galayaashii munaasabada qeyba ka mid ah ururada bulshada sida ururka haweenka qaranka soomaaliyeed. Ururka dhalinyarada qaranka iyo NAADIGA NAKADSA
Gunaanadkii ayaa xubin ka socotay naadiga NAKADSA ahna gudomiye ku xigeenka naadiga marwo ZAM ZAM DAAHIR lagu soo dhoweyey micrafoonka isla markaana qudbad wax toosin ah halkaa ka jeedisay
Marwo zam zam ayaa waxa ay ka dhawaajisay in dhalinyaro badani ku xiranyihiin xabsiyada ay maamusho dowlada soomaaliyed ayna u baahanyihin daryeel iyo xanaanayn si lamida waxay u baahanyihin in la hagaajiyo dhaqankooda iyo In loo sameeyo hanaan waxbarsho intay xabsiyada ku jiraan si fursadooda uga faa’iideystaan uguna soo laabtaan bulshada dhexdooda ayagoo wax bartay waqtina uusan ka lumen waxay intaa raacisay in wazaaradu dhexda u xirato inay gaarsiido waxbarsho dhalinyarada gobalada ku sugan kuwa haysatana ku dadaasho tayentooda si ay nabad galaan in si aan munaasab ku ahayn looga faa’iideysto
Marwo zam zam ayaa waxay si gaar ula hadshay talana u jeedisay wazaarada amniga qaranka taa oo ah inay keenaan / la yimaadaan qorshe ka haboon kan ay hada dhowrida amaanka ku wajahaan oo dhalinyarada aad u qal qal geliya sida in habeenkii saq dhexe guryaha loogu galo lanasoo kexeeyo waxaana wanaagsan bay tiri in la sameeyo hab-raac kaa ka fudud ka wacan oo an waxyeeli kareyn maskaxda dhalinyarada islamarkaana aysan ku abuurin dowlad naceyb badalkeedana ay ku abuuraan dowlad jaceyl kana kasbadaan waaaradu dhalinta inay iskood isu xil qaamaan kana shaqeeyaan amniga/amaanka degaankooda ama guud ahaan dalka
Ugu dambeyn wazaarada dhalinyarada iyo isboortiga waxaa madax ka ah masuul dhalinyaro ah si taa la mida 17da degmo ee gobalka banaadir waxaa hormuud ka ah dhalinyaro fir fircooni ka muuqanayso waxa ayna kuu muujinaysaa heerka baraaruga dhalinyarada soomaaliyeed