Dood Cinwaankeedu ahaa Mideynta dadaallada kala duwan iyo awoodaha dhallinyarada ee dib u soo kabashada dalka,ayna soo qaban qaabsey Naadiga NAKADSA isla markaana ay ka qayb galey Ururada Dhalinyarada ee Dalka ka jira ayaa lagu qabtey Magaalada Muqdisho
Ugu horeyn waxaa halkaa ka hadley Samsam Daahir oo ah Gudoomiye ku xigeenka oo ka socotey Naadiga Nakadsa waxay sheegtey in ujeedka loo qabtey doodaan ay tahay in la helo dhalinyaro dhinac waliba ka mideysan si sare loogu qaado wacyiga dhallinyarada iyo mideynta awoodaha kala duwan ee dhalinyarada si loo fududeeyo loogana jawaabo hanka dhallinyarada ee ka qaybgalka dowladnimada waxay sii raacisey Samsam
“Sidoo kale ujeedka Naadiga NAKADSA waa In la buura madal wadahadal oo dhallinyaradu uga wada xaajooto danahooda si loo fududeeyo wax wada qabsiga iyo iskaashiga dhallinyarada.sidoo kale In la abuuro jawi Isfaham oo dhallinyarada dibadda ka soo laabatay iyo kuwa dalka ku noolaa ay isku dhaafsan karaan khibradaha iyo aqoonta labada dhinac waxaa kale uu Naadiga doonayaa . In laga wada xaajoodu sida ugu mira dhalsan oo loo fulin karo siaayasadda qaran ee dhallinyarada ee dowladdu ku howlan tahay”.
Ururradii Dhalinyarada ee ka qayb galey doodii ku saabsaneyd Mideynta dadaallada kala duwan iyo awoodaha Dhallinyarada ee dib u soo kabashada dalka ayaa halkaa isku dhaafsadey fikrado iyo Aaraa ku saabsan sida ay u midoobi lahaayeen dhalinyarada Soomaaliyed isla markaana loo heli lahaa Siyaasad Qaran oo Dhalinyarada Soomaaliyeed ku hagta Dariiqa ay ku gaari karan isku duubni iyo Horumar
Gabagabadii ayaa waxaa dooda soo xirey Gudoomiyaha Naadiga NAKADSA Cabdiraxmaan Shiikh Xuseen Ashcari oo u mahadceliyey Ururradii ka qayb galey doodii ku saabsnayd Mideynta dadaallada kala duwan iyo awoodaha dhallinyarada ee dib u soo kabashada dalka isagoo sheegey in Naadiga NAKADSA uu halkaas ka sii wadi doono doodaha noocaan ah ee lagu Horumarinayo Dhalinyarada Soomaaliyeed
Talooyinkii ay soo jeediyeenn ururradii ka qayb galey doodaas ayaa waxaa ka md ahaa in laga gudbi arrimaha Qabiilka iyo nin jecleysiga sidoo kale waxaa ka mid aha talooyinkii la soo jeediyey in la helo xog is dhaafsi ku saabsan doorka Dhalinyarada , waxaa kaloo ka mid ahaa Talooyinkii la soo jeediyey in la sameeyo Abaabul iyo Wacyigelin ku saabsan mideynta Dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.