NAKADSA CUP oo saakay si rasmi ah u furmay iyo kulamo xiiso badan oo la ciyaaray+Sawiro

Waxaa saakay oo Talaado ah 20-Feb.2018 si rasmi ah barxadda Iskuulka Axmed Gurey uga furmay tartanka kubadda cagta ee NAKADSA CUP oo sanadkiiba mar loo qabto arday dhigata dugsiga sare Axmed Gurey, waxaana sanadkan ka qeyb galaya tartanka fasalada Form1 —- Form4.

Furitaanka Tartanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Cabdikariin Maxamed XasanNA Madaxa dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee NAKADSA iyo ku xigeenkiisa Mustafa Maxamuud Cali Raage, ayadoona cayaartii furitaanka ay fooda is dareen fasalada Form2 Vs Form3, ciyaar xiiso iyo xamaasad sareysa xambaarsaneyd oo ay soo bandhigeen kadib waxay 3-2 guusha ku raacday kooxda ku ciyaareysay magaca fasalka Form 3.

Isla gelinka dambe ee maanta ayaa sido kale waxaa balansan oo ciyaari doona fasalada Form1 Vs Form4.


IMG_6134

IMG_6141

IMG_6147

IMG_6148

IMG_6150

IMG_6151

IMG_6165

IMG_6174

IMG_6195

IMG_6199

IMG_6201

IMG_6203

IMG_6214

IMG_6217

IMG_6218

IMG_6241