Maamulka Iskuulka Axmed Gurey ee Magaalada Muqdisho iyo Naadiga NAKADSA oo is kaashanaya ayaa tartan Hidaha iyo dhaqanka ah u qabtay ardayda dhigata dugsiga sare ee Axmed Gurey iyo fasalo ka mid ah dugsiga dhexe, waxayna arday ku tartamayeen soo bandhigida dhaqanka Soomaalida, sugaanta, qaar ka mid ah xoolaha Soomaalidu dhaqato, agabka ay hidaha u leeyihiin dadka Soomaaliyeed, cuntooyika iyo dalaga noocyadiisa kala duwan ee ka baxa dhulka hooyo.
Tartanka oo ay garsoorayaal ka ahaayeen macallimiinta Iskuulka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa maamulka sare ee Iskuulka iyo qaar ka mid ah madaxda Naadiga NAKADSA.
Ayadoo fasaladii tartamayay uu mid weliba wax gaar ah ku tartamayay ayaa waxaa ugu horeeyay fasalka Form4 oo masrixii tartanka kusoo bandhigay hibada ay Soomaalida u leedahay dhaqashada xoolaha gaar ahaan ariga iyo fardaha, ayagoona sido kale soo bandhigay Soomaalidii hore sida mas’uuliyadda leh ee ay u xalin jireen khilaafaadka dhexdooda ah marka ay is qabtaan ama uu muran soo kala dhexgalo.
Waxaa ku xigay fasalka Form3 oo ayaguna masraxa ku soo bandhigay sugaan iyo agabka ay hidaha u leeyihiin dadka Soomaaliyeed, ayagoona sharaxaad ka bixiyay waxa uu kaga duwan yahay kuwa dalka dibadiisa laga keeno.
Fasalka Form2 ayaa ayaguna tartanka uga qeyb galay soo bandhigida sugaan ka hadleysay faa’iidada ay bulshadeena u leedahay beerayashada, waxay kusoo galeen masraxa noocyada qudaarta ee dalkeena ka baxda.
Tartamayaashii ka qeyb galayay tartanka oo ay ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin hidahooda iyo waxa ay ab iyo asal u leeyihiin in ay ku tartamaan ayaa fasalka Form1 ardaydii ka socotay waxay ayaguna masraxa la yimaadeen hibada ay Soomaalida u leedahay dhaqashada Geela.
Dhinaca kalena fasalka sideedaad ee dugsiga dhexe ayaa ayaguna lasoo shir tagay badar tumow iyo sida ay hableena ugu heesaan hees howleedyada marka ay tumayaan galeyda.
Fasalka 7-aad ee dugsiga dhexe ayaa dhankooda kaga qeyb galay tartanka soo bandhigida cunto karsan oo laga sameeyay dalaga dalka ka baxa, qudaarta, iyo hilibka, waxyaabaha ay soo bandhigeenna waxaa ka mid ahaa, cambuulada, canjeerada, muufada, hilibka, bunka saliida lagu dubo, taangada ama saloolka iyo kuwa kale oo badan dhamaantoodna ah cunto laga sameeyay dalaga iyo qudaarta inoo baxda, waxaana bandhigooda qeyb ka ahaa cuntadaa karsan burjikadii iyo dharigii lagu kariyay oo dhoobo ka sameysan, Soomaalidana hido u ah ilaahayna hibo u siiyay.
Tartankan ayaa qeyb ka ahaa tartamo kala duwan oo maalmihii lasoo dhafay ka socda Iskuulka una dhaxeeyay dhamaan ardayda dhigata Iskuulka oo sanadkiiba mar sidan loo qabto.
Waxaa horey tartan dhinaca Sportska oo loo qabtay arday kusoo guuleystay fasalka Form1 ee dugsiga sare, ayadoona tartanka Kedis ee aqoonta guud ay final wada joogaan fasalada 7-aad oo dugisga dhexe ah iyo Form3 oo dugsiga sare ah.
Waxaana xusid mudan in 25- bishan April 2018-ka xaflad balaaran oo Iskuulka ka dhici doonta haduu alle idmo lagu abaalmarin doono dhamaan fasalada ku guuleystay Tartamadii la qabtay.