Kadib soo-if-bixii cudurka faafa ee loo yaqaanno; karoona feyras, guud ahaan adduunka, gaar ahaanna soomaaliya, oo ilaa hadda hal keys (one case) laga helay, ayaa Naadiga Aqoon yahanka Ka soo qalin jebiyay Dugsiga Sare ee Axmed Gurey, oo loo soo gaabiyo ( NAKADSA), oo mabaadii’dii loo aas-aasay ay kow ka aheyd garab-is-taagga iyo ka caawinta bulshada dhanka; Wacyigelinta, Waxbarashada, Quudinta iyo fayo-dhawrka, ayaa u istaagay Ol-ole is-xilqaan ah, oo bulshada soomaaliyeed looga wacyigelinayo ka hortagga iyo xakameynta cudurka karoona feyras, ee dhowaan-galka nagu ah.
Bacdamaa ay adkaatay in dadka goobo la isugu keeno ee laga wacyigeliyo, waxaan qaadannay ama door-bidnay waddo aan ka dhicin oo ah; inaan baraha bulshadu ku wada xiriirto, sida; Facebook-ga, u marinno gaar ahaan degalka aan ku leenahay ka naadi ahaan. Innaga oo bulshada uga faa’iideyneyna talooyinka; aqoonta iyo khibradda wata ee dhaqaatiirta naadiga xubnaha ka ahi bixinayaan. Taa oo suurtagelin karta, in wacyigelintu guri walba gaari karto maadaama guri walba oo bulsho ku nooshahay laga heli karo taleefoonka gacanta ee caaqilka ah (smartphone).
Muuqaallada aan wacyigelinta ugu talo-galnay waxaan u qorsheynay inaan hab qeybo-qeybo ah u gudbinno intii aan kari karno.
Sidaa darteed, xalqadda ama qeybta koobaad, waxaan ku billaabeynaa muuqaalka (Clip-ka); Dr. Mahad Maxamed Xasan, oo noo sharrixi doona weydiimaha hoos ku xusan:
1. Sidee looga hortagaa cudurka karoona feyras?
2. Ma laga bogsadaa haddii uu qofka haleelo mise waa cudurrada aan laga bogsoon ee loo dhinto? iyo,
3. Taladiisa la xiriirta cudurka ee uu shacabka soomaaliyeed u jeedinayo?
Mahadsanidiin.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WACYIGELINTA.
OL-OLAHA WACYIGELINTA CUDURKA KAROONA FEYRAS (Corona Virus Awareness)
OL-OLAHA KA WACYIGELINTA BULSHADA CUDURKA KAROONA FEYRAS (Corona Virus Awareness)Kadib soo-if-bixii cudurka faafa ee loo yaqaanno; karoona feyras, guud ahaan adduunka, gaar ahaanna soomaaliya, oo ilaa hadda hal keys (one case) laga helay, ayaa Naadiga Aqoon yahanka Ka soo qalin jebiyay Dugsiga Sare ee Axmed Gurey, oo loo soo gaabiyo ( NAKADSA), oo mabaadii'dii loo aas-aasay ay kow ka aheyd garab-is-taagga iyo ka caawinta bulshada dhanka; Wacyigelinta, Waxbarashada, Quudinta iyo fayo-dhawrka, ayaa u istaagay Ol-ole is-xilqaan ah, oo bulshada soomaaliyeed looga wacyigelinayo ka hortagga iyo xakameynta cudurka karoona feyras, ee dhowaan-galka nagu ah.Bacdamaa ay adkaatay in dadka goobo la isugu keeno ee laga wacyigeliyo, waxaan qaadannay ama door-bidnay waddo aan ka dhicin oo ah; inaan baraha bulshadu ku wada xiriirto, sida; Facebook-ga, u marinno gaar ahaan degalka aan ku leenahay ka naadi ahaan. Innaga oo bulshada uga faa'iideyneyna talooyinka; aqoonta iyo khibradda wata ee dhaqaatiirta naadiga xubnaha ka ahi bixinayaan. Taa oo suurtagelin karta, in wacyigelintu guri walba gaari karto maadaama guri walba oo bulsho ku nooshahay laga heli karo taleefoonka gacanta ee caaqilka ah (smartphone).Muuqaallada aan wacyigelinta ugu talo-galnay waxaan u qorsheynay inaan hab qeybo-qeybo ah u gudbinno intii aan kari karno. Sidaa darteed, xalqadda ama qeybta koobaad, waxaan ku billaabeynaa muuqaalka (Clip-ka); Dr. Mahad Maxamed Xasan, oo noo sharrixi doona weydiimaha hoos ku xusan: 1. Sidee looga hortagaa cudurka karoona feyras?2. Ma laga bogsadaa haddii uu qofka haleelo mise waa cudurrada aan laga bogsoon ee loo dhinto? iyo,3. Taladiisa la xiriirta cudurka ee uu shacabka soomaaliyeed u jeedinayo?Mahadsanidiin. Daawasho wacan.#WACYIGELIN_BULSHO_CONVID19————-DHAMMAAD————
Gepostet von NAADIGA NAKADSA SOOMAALIYA am Sonntag, 22. März 2020